|

Faah Faahin: R/wasaaraha Soomaaliya oo safar dhulka ah ku tagay Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe (Sawirro)

Jowhar March 30 2013 (SDN)– Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray maanta Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay halkaasi iyadoo Ra’iisul wasaarahu uu booqday xarumo halkaasi ku yaalla.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha uu hogaaminayo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Wasiirka Gaashandhiga, Wasiiro Ku-xigeeno, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa lageeyay Beer weyn oo kutaalla Magaalada Jowhar halkaasi oo lagu soo bandhigay ciyaaro hido iyo dhaqan ah iyadoo Ra’iisul wasaaraha uu caano Geel markaasi la lisay uu halkaa ku cabay.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa halkaasi hadlay ka jeediyay oo uu uga hadlayo arrimo badan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa socdaalka uu ku tagay Jowhar waxa uu ahaa mid dhulka ah isagoo sii maray Magaalada Balcad ee gobolkaasi.

Comments are closed