Faah Faahin ku aadana dadkii Ciidamada AMISOM ay ku dileen deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose
Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Dhaawacyadii dadkii ciidamada AMISOM ay ku rasaaseeyeen deegaan lagu magacaabo Jiiro Yaasiin oo ku dhaw deegaanka leego ayaa lasoo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho.
Tirada dadka oo ku dhaw tobon ruux ayaa waxa ay qabaan dhaawacyo kala duwan waxaana ku jira haween caruur iyo sidoo kale dad da’ah.
Mid kamid ah dadka deegaanka goobjoogna u ahaa dhacdada ayaa isaga oo ku sugan Isbitaalka dadkaasi lagu dabiibayo usheegay Shabakada SDN in dadka dhaawacooda qaarkood ay liitaan.
Wuxuu sheegay in dad da’ah ay ku jiraan iyo caruur AMISOM si arxandaro ah ay urasaaseeyeen dadkaasi xilli ay ku sugnaayeen deegaankaasi Jiiro Yaasiin.
Sidoo kale Nabadoon C/qani Sheekh oo kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda deegaanka dhacdada ka dhacday ayaa ka tacsiyadeeyay falka AMISOM ay ku laayeen dadka shacabka ah.
Wuxuu sheegay in dadka geeriyooday iyo sidoo kale dadka dhaawacmay intaba ay yihiin dad shacab ah oo reer guuraa ah arintaasina ay tahay mid aad looga xumaado.
Shalay ayeey aheyd markii falkaan ay sameeyeen ciidamada AMISOM inkastoo ilaa iyo iminka AMISOM iyo maamulka Gobalka Shabeelaha hoose uusan kasoo bixin war la xiriira dhacdadani.