|

Faah Faahin: Dadbadan oo lagu soo qab qabtay howlgallo laga sameeyay Darkinley iyo Wajir

Muqdisho Jan 19 2013 (SDN)—Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida iyo sidoo kale Booliiska ayaa maanta Magaalada Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynleey ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho. 

Howlgalka oo ay ciidanka kusoo qab qabteen dad gaaraya ilaa 700-qof ayaa waxaa laga kala sameeyay Degmooyinka Wadajir iyo sidoo kale Dharkeynleey ee Gobalka Banaadir.

Taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo howlgalkaasi horkacaye ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen dad tiradooda gaarayso 700 oo qof. 

Wuxuu sheegay in howlgalka uu biloowday xalay ilaa saakana uu socday ciidankana ay soo qabteen dadkaasi sidoo kalena markii laka saaray 41-qof ay noqdeen Shabaab sida uu sheegay halka intii kalena lasii daayay. 

Sidoo kale taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir ayaa sheegay in intii howlgalka ciidanka ay ku jireen ay kusoo qabteen qori Ak47 ah iyo sidoo kale Biskoolad caag ah oo dadka lagu dhici jiray. 

Maalmahan dambe ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay wadeen howlgalo ballaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

SDN-Muqdisho

Comments are closed