Faah Faahin: Booqashadii Wasiirka Arrimada Dibadda Soomaaliya ay ku tagtay dalka Talyaaniga (Warbixin)
Rome Jan 10 2013 (SDN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Foowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxa ay ka warbixisay socdaalkeedii ay ku tagtay Magaalada Rooma ee Caasimada dalka Talyaaniga iyo kulamadii ay la qaadatay dhigeeda dalkaasi iyo Jaaliyada Soomaaliyeed.
Foowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay ugu horeyn safarka ay ku tagtay MagaaladaRomeee Caasimada Talyaaniga in uu ku yimid marti qaad ay u fidisay dowladda Talyaaniga gaara ahaa wasiirka Arrimaha Dibada Talayaaniga Julio Terzi.
Marwo Foowsiyo Yuusuf Xaaji ayaa sheegtay in kulankii ay la qaadatay dhigeeda Terzi uu ku soo dhamaaday si isfaham leh, waxana ay xustay in ay kawad hadleen arrimo ay ka mi ahaayeen Cilaaqaadka labad dal, wadashaqeyn iyo dib u soo celinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Wasiiradu waxa ay tilmaamatay in wasiirka Arrimaha dibada Talyaaniga ay sidoo kale ka wada hadleen sidii ay ugu garabsiin lahaayeen dowladda Soomaaliya xaqiijinta Ammaanka iyo dib u dhiska dalka oo muddo burbursanaa.
Foowsio Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in ay rajo weyn ka qabto in arrimaha ay isku afgarteen Talyaaniga ay fulaan waxaana ay farta ku fiiqday in iyaga iyo dowladii hore uu farqi weyn u dhaxeeyo kaasi oo ah in dowladan ay tahay mi daan KMG aheyn waxayaabihii ay ku soo heshiisana ay fuli doonaan.
Waxa ay sheegtay in hada Talyaanigu uu tabar uga furay dalka Jabuuti Askar boolis ah oo ay leedahay dowladda Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka noqon doona qoshayaasha la doonayo in Amaanka lagu soo celiyo, waxana ay intaasi sii raacisay in sidoo kale ay AMISOM taageerayaan.
Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaniga ay kawada hadleen sidii safaaradii Talyaaniga looga furi lahaa Soomaaliya iyadoo Talyaanigu uu balqan qaaday mararbadan in safaaradiisa uu ka furanayo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wasiirada ayaa carabka ku dhufatay in safaarado badan ay hada ka furanyihiin Soomaaliya kuwaasi oo ay ka midyihii safaarada Turkiga iyo Sudan waxana ay intaasi ku sii dartay in sidoo kale Safaradaha Shiinaha iyo India lafilayo dhawaan in Muqdisho laga furo.
Foowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa intii ay joogtay Talayaaniga waxa ay la kulantay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi waxana ay sheegtay in aad ugu faraxday sida wanaagsan ay u soo dhaweeyay iyo sida ay uga muuqaneyso jaceelka ay u qabaan dib u dhiska dalkooda.
Dhanka kale waxa ay booqatay dhismihii dhawaan safiirka Soomaaliya Talyaaniga u fadhiya uu kireeyay kaasi oo la sheegayo in arinta uu ka sheegay safiirku ay beenowday oo aheyd in uu soo dumi rabo.
Ugu danbeyntii MagaaladaRomeee Caasamida Talyaaniga ayaa waxaa Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan lagu gudoonsiiyay Shahaado Dogtoreyd ah oo ay siisay Jaamacad ku taalla dalkaasi.
Wasiirada ayaa ka socdaashay dalkaasi.
SDN-Muqdisho