Faafhaafin Laga Helayo Madaafiic Xalay Lagu Ganay Villa Somalia Oo Madaxda Dawladdu Ku Sugan tahay
Muqdisho:29-Dec-2013(SDN)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho, ayaa xalay lagu weeraray Madaafiic isdaba joog ah oo aan kala go’ lahayn, iyadoo meelo gaar ah la badhtilmaameedsanayey.
Wararka saaka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in Madaafiicdaas xalay fiidkii hore lagu weeraray ay badhtilmaameed u ahaayeen dhinaca Madaxtooyada Somaliya, iyadoo la sheegayo in muddo daqiiqado ah ay madaafiicdaasi Halkaas ku Hoobanayeen.
Ma fududa in war rasmi ah laga helo Gudaha madaxtooyada oo ah halka madaafiicda lala eegtay, waxase la sheegayaa inay ku Habsadeen meelo u dhaw madaxtooyada, iyagoo khaasaare geystay balse aan cidi xaqiijinin.
Saddexda Masuul ee ugu sarreeya dalka Somalia ayaa iyagu ku sugan Aqalka Madaxtoyada, iyadoo la tilmaamay inay kooxaha Al-shabaab masuul ka yihiin hubkaas xalay madaxtooyada lagu ganay.
Dadka ka ag dhow madaxtooyada ayaa aad baqdin u muujinayay iyagoo ka baqin qabay inay waxyeeleeyaan madaafiicdaasi.
Kooxaha Al-shabaab wali kama ay Hadlin dhacdadan ay xalay qaadeen, balse waxa la hubaa inay uga jeedaan sidii loo ogaan lahaa inay leeyihiin awood ay madaxtooyada ku weerari karaan xilli kasta.
S.D.N