|

ETHIOPIYAAY SOMALIDA KORKEEDA KU GALGALO SIDAAD DOONTANA UGU GAMA.

Salaan ka dib

Gabadh Somaliyeed oo beri guubaabineysa qabiil ay ka dhalatey oo qabiil kale caloodi dhex taaley ayaa waxaa erayadeedii ka mid ahaa  “Alla rag ma haynee Idoor ha iska kay rogrogtooy”.

 

 Maanta waxaan uga jeeda mar hadii la waayey Siyaasi Somalia oo damiir leh meeshu doono ha joogee. Somaliland, Somalia, Puntland, Jubaland, Fatuud Land, Ciyaal Land, Tuugo Land. Halkuu doono ha joogee hadii la waayey qof damiir leh oo wadaniya ama umad wadaniyiin ah, sow macnuhu noqonmaayo  in Ethiopia iyo Kenya sidey doonaan ugu gamaan Somalida ama sidey doonaan u rogrogtan.

 

Anigoon rabin inaan sii muquurto ama si taataabto boogaha jidhkeyga ku yaala, ayaa waxaan in yar eegi lahaa dhibaataa iyo kibirka ay diyaarada Ehtiopia Airline kula kacdo Somaliland gaar ahaan reer Somaliland. Ethiopian Airline waa shirkad   sida aada uga lacageystey guud aahaan umada Somaliyeed ee Gumaysigii reer Galbeedku garba duubey markii danbena uu kaga tagey qabyaalada kuna yidhi sii gumeyso….. Waa shirkad  wixii ka horeeyay 1990 aan laheyn wax ka badan 10 diyaaradood maantana leh boqolaal diyaaradood oo u kala goosha dunida dacaladeeda. Diyaaradiisi oo macmiisha ugu badan ka heshay Somalida dibadaha ku nool lakiin imika ka mid noqotey diyaaradaha 5 Stars ayaa waxey si jeesjeesa u gashaa dadka reer Somaliland iyadoo maamulka halka ka jirana ula macaamisha sidii caruurta oo kale.

 

Amaanka Rakaabka iyo Diyaraada waxaa ka musuula dawlada Somaliland, xaqna uma laha in diyaaradaasi u gacan dhaafto iyadu kolba shuruud ka dhigta arimo aaney ismacadeen umad kale oo jirtaa. Halkan dayr ku xidha, halkan kaabad ka dhisa, halka bir ka taaga etc. Taasi oo keenta in maalinba rakaab ay diyaaradaasi qaatey ku jeelcabaadeen Hargeisa.

 

 

Gebgebadii iyo guntii waxaan kula talin lahaa dhamaan Somalida gaar ahaan reer Somaliland oo badankoodu ku dooda in Xabashidu ka xigto Somalida kale iney ka fiirsadaan la maamilka diyaarada uu leeyay Gumeysiga madow ee aan sinaba u rabin in meel Somali leedahey weyso ka xidhanto.. Hadii Xabashidu Somalida inaga xigto ha ina aqoonsato ama diyaaradeeda badan ha u ogaaladaan iney madaareedana Fadhiistaan.

 

 

Nin akhristey fara badan

Nin fahmeysi mooji.

 

Alla Mahad leh

Qalinkii

Osman Omar Dool

 

Comments are closed