|

Ethiopia Oo Xal U Heshay Khilaafkii Madaxda Soomaaliyeed Ragaadiyey

Addis Ababa:Nov,07,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Addis Ababa, ayaa la sheegayaa inay heshay xalka Khilaafka dhexyaalla Madaxweyne Xasan sheikh iyo Ra’isal wasaarihiisa.

deseleeSida ay sheegayaan warar hoose oo lagu kalsoon yahay, waxa Madaxweynaha Somalia oo Haatan safar kedis ah ku jooga Addisa ababa lagu qanciyey inuu Hoos u dhigo Khilaafka, isla-markaana ay lagama maarmaan u tahay inuu tanaasul degdeg ah sameeyo.

Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia oo Madaxweynaha ay si dhaw iskugu xidhan yihiin, ayaa shirar hoose la leh ilaa iyo xalay, waxana uu Hailemariam Desalegn  Isku deyayaa inuu Madaxweynaha ku qanciyo inaanay faa’ido soo wadin xilka ka qaadista ay baarlamaanku ku wadaan Ra’isal wasaraaha muddada kooban xilka hayey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay codsiga Ra’iisal wasaaraha dalkaasi itoobiya oo isagu u yeedhay madaxweyne Xasan si uu uga qanciyo khilaafka kala dhaxeeya RW C/wali.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ongolaaday inuu u tanaasulo C/wali sheekh balse lagu qanciyay in wasiirada xukuumada markale isku shaandheyn lagu sameyn doono taas oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqan doonan raga uu sida weyn u daneeyo Xasan Sheekh.

Ma cadda sida ay arrintani ku suura geli doonto, maadaama beryahan danbe arrinta khilaafku gaartay golaha baarlamaanka, isla markaana mooshinno isdiidan ay socdaan, waxeyse u muuqataa in dowlada Itoobiya ay saameyn xoog leh ku leedahay go’aanada iyo hanaanka siyaasadda ee madaxda Soomaalida guud ahaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed