|

Ethiopia OO Ka Hadashay Hawlgallada Ciidankoodu Ka Wadaan Somalia

Addis Ababa:10-April-2014(SDN)-Xukuumadda Ethiopia, ayaa si Toos ah uga Hadashay Hawlgallada ay Ciidankiisu ka Qaybta yihiin ee Laga Wado Gudaha Somalia.

tiderosWasiirka warfaafinta dowlada Ethiopia oo saxaafada kula hadlay magaalada Addis Ababa  ayaa sheegay inay wiiqeen awoodii ALshabaab ay ku lahaayeen dalka Soomaaliya,isla-markaana ay ka Saareen Goobo muhiim u ahaa jiritaankooda oo Noloshoodu ku xidhnayd.

 

“Alshabaab waan ka tirtireynaa Soomaaliya,  Alshabaab uma awood badna sidii ay ahaan jireen, waxaadna taasi ku ogaanayenaa meelo badan ayaan ka qabsanay, sidaasi daraadeed wey cararayaan hadda, mana awoodaan inay weeraro geystaan”ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Ethiopia.

Wasiirka oo Hadalkiisa sii Wata ayaa yidhi,

“Goobaha Alshabaab laga xoreeyay waxaad ka dareemaysaa inay noloshii ay u baahnaayeen bulshada ay soo laabaneyso”

 

Alshabaab ayaa lumiyay deegaano iyo degmooyin dhowr tan iyo bartimihii bishii lasoo dhaafay ee March, waxaana ay dhankooda sheegeen inay sii wadi doonaan dagaalada ay ka fulinayaan Soomaaliya.

Ma yara dhibaatada Ciidanka Ethiopia ka soo Gaadhay Dagaalada ay Somalia ka Galeen iyadoo ay dhawaan Kooxaha Alshabaabku soo Bandhigeen Maydad ciidan Ethiopian ah oo laayeen, balse Taas Wasiirku wax weyn kama Soo Qaadeen.

Ciidanka Ethiopia ee Somalia jooga, ayaa dagaal cad kula jira Kooxaha Alshabaabka, waxana ay ka Saareen Deegaamo hor leh oo Kooxahaas muddooyin badan Haysteen.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed