|

Ethiopia Oo Beenisay In Ciidamadeeda ay kala baxeyso Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Addis Ababa April 24 2013 (SDN)—Dowladda Ethiopia ayaa beenisay in Ciidamadeeda ay kala baxayso deegaanada Koofurta Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada dowladda Ethiopia Dina Mufti oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu beeniyay in Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia uu sheegay in Ciidamadooda ay kala baxayaan dalka Soomaaliya.

Dina Mufti ayaa carabka ku dhuftay in khudbadii uu ka jeediyay Golaha barlamanka dalkaasi uu Ra’iisul wasaaraha ku sheegay in AMSIOM ay ku fashilantay la wareegiga goobaha ay Ciidamada Ethiopia ku sugan yihiin ee Kofurta Soomaaliya, balse uu san tibaaxin in ay ciidamadooda la baxayaan.

“Waa been dowladda Ethiopia ma aysan dhihin ciimadadeena ayaan kala baxeynaa Soomaaliya, Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay oo kaliya in AMISOM ay ku fashilantay la wareegida goobihii laga qabsaday Al Shabaab” sidaasi waxaa VOA-da u sheegay Mufti.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa ku celceliyay in Ethiopia ay wali ka go’antahay dhameystirka howshii ay u timid Soomaaliya oo aheyd Nabadeynta iyo xasiloonida.

Mr. Mufti ayaa carabka ku dhuftay in u jeedka Ethiopia ay u soo gashay Soomaaliya uu ahaa daciifinta Al Shabaab walina ay muuqaneyso in Al Shabaab ay yihiin awood jirta sidaasi darteedna ay ciidada Ethiopia sii joogi doonaan Soomaaliya inta AMISOM ay kala wareegeyso.

Si kastaba Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa soo daabacday war ay ku sheegtay in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hayle Maryam Deselin uu Ciidamadiisa ku sugan Soomaaliya kala baxayo sida ugu dhaqsiyaha badan.

SDN-Addis Ababa 

Comments are closed