|

Ergooyinkii Shirweynaha Kulmiye ee Gobolada Awdal iyo Selel Oo Xalay Casho Xummad-Jebin ah Lagu Macsuumay Iyo Filashada Maanta

Hargeysa:April,29,2014(SDN/QJ)-Ergooyinka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Selel eek a qayb gelayey shirweynaha Saddexaad ee Kulmiye oo Maalintii shalay ay dhibaato ku qabsatay Madasha shirka ayaa Habeenkii xalay uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland casho ugu sameeyey Huteel Safari ee Magaalada Hargeysa.

ererErgooyinkan oo tiradoodu ku dhaweyd ilaa laba Boqol oo ergey ayaa iska waayey Liiskii Kaadhadhka lagu Gelayey  shirweynaha lagu Bixinayey, waxana ay muddo saacado ah meehanaabayeen Hareeraha Huteelka.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa isaga laftiisu cadho badan ka muujiyey waxa Reer Awdal ka qabsaday shirweynaha, waxana uu isku dayey  inaanu isaga qudhiisu shirka gelin, balse markii dambe ladqabo ayuu ku yimi.

Waxa uu madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Habeenkii xalay Ergooyinkaas Cadhaysnaa ku macsuumay Casho-sharaf uu xaraaradda cadhadooda hoos ugu  dhigayo, isagoo intoodii badnayd ku qanciyey inay shirweynaha si habsami ah usii wadaan oo ay ilaawaan wixii shalay dhacay.

Ergooyinka ayaa iska aqbalay soo jeedimaha Saylici, waxayse wali xasuusan yihiin qaabkii loola dhaqmay iyo sidii logu Bahdilay madasha, iyagoo aaminsan inaan doorkoodii ku dhex jirin Kulmiye oo wax badani ka maqan yihiin.

Cashadan oo ahayd in la isku laab-xaadho, ayaa ugu dambayntii ku dhamaatay jawi farxadeed, waxana ay ergooyinka iyo madaxweyne-ku-xigeenku kala tageen inay sii ambaqaadaan shirweynaha oo ay iska dhaafaan dhacdadaas hore.

Ergooyinka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Selel ayaa si weyn u tuhunsan inaan xisbiga dhexdiisa iyo xukuumadda midna cid firfircoon oo cadkooda goysaa ugu jirin, marka laga reebo madaxweyne-ku-xigeenka oo Hawlihii qaranka la tacaalaya.

Sidoo kale waxa ay ergooyinkani qaateen sawir muujinaya inaanay xisbiga dhexdiisa ku haysan wax ixtiraam ah, maadaama ay hore caan ugu soo ahaayeen Xisbigii Baaba’ay ee UDUDB.

SDN/QJ\-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed