Ergo Kiinyan ah oo dhexdhexaadin u tegay Kismaaayo
Kismaayo November 05, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday dowladda Kenya, kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa sidii ay u dhex dhexaadin lahaayeen khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey, iyo Senatarkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin waxyaabaha ay ka wadahadleen, balse dhexdhexaadintan ayaa ku soo beegantay xili ay Jubaland daadifeysay heshiis dhawaan ay Muqdisho ku gaareen Gollaha wadatashiga Qaran ayna ku hanjabtay in doorashada u gaar ah ay qaban doonto.
Kulamada ayaa socda, waxaana la filayaa in natiijada kasoo baxda lagu dhawaaqo dhawaan.