|

Ergo ka Socota Midowga Africa oo Maanta Socdaal ku tagay Magaalada Beledweyn

Beled weyn 16.October 2013 (SDN)- Wakiilka midowgga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mahamet Salah Annadif iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada midowgga Africa AMISOM Jen Andrew Gutti ayaa maatan gaaray magaalada Beledweyne.

DCIM100MEDIASocdaalka wakiilka midowgga Africa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu ku tago bartamaha dalka Soomaaliya, tan iyo markii uu la wareegay xafiiska ama shaqda wakiilka midowgga Africa.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, xildhibanno, xubno ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay wasiirru-dowlaha wasaarrada maaliyada ayaa ku soo dhaaweeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Annadif ayaa sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro sidii uu dadka reer Hiiraan uga la qeyb qaadan lahaa farxada Ciidul-Adxa, isla markaana u bogaadin lahaa horumarka ka socda magaalada Beledweyn.

Magaalada Beledweyn ayaa waxaa mudooyinkii u dambeeyay ka jiray horumaro dhinaca ammaanka iyo is bedelo xaga maamulka ah oo lagu wado in dhowaan dadka deegaanka ay soo doortaan maamul hogaamiya.

Boqolaal askari oo ka socda Jabuuti qeybna ka ah howl galka AMISOM ayaa ku sugan magaalada Beledweyn oo ka mid ah saldhigyada AMISOM ee Gobolada dalka ay ku sugan tahay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed