Ergeyga Midawga Afirca oo Muqdisho u tegay dhexdhexaadin
Hargeysa Jan 27,2012(qurbejoog.com)-Ergeyga gaarka ah ee Midawga Africa u qaabilsan Soomaaliya Mr Jerry Rawlings ayaa shalay booqasho maalin qaadatay ku tegay magaalada Muqdisho si uu dhexdhexaadin uga galo khilaafka baarlamaanka KMG ah.
Mr Rawlings ayaa madaxtiiyada kula kulamay ergatega QM Augustine Mahiga,madaxweyne Shariif Sh Axmed iyo reysul wasaare Cabdiweli Gaas.
Ergeyga ayaa deeto mid mid ula kulamay gebi dhinacyada uu khilaafkani khuseeyo oo uu dhegeystay mawqifyadooda si uu ugu kuurgalo amuurta.
Mr Rawlings ayaa saxaafada la hadlay mar uu soo dhameystay kulan uu la qaatay madaxweyne Shariif waxaanu ku gaabsaday in midawga Afrika ay ka goaan tahay in ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyaan dhinacyada ishaya.
Baarlamaanka ayaa xilkii ka qaaday guddoomiye Shariif Xasan isla markaana doortay guddoomiye cusub balse madaxweynaha iyo reysul wasaaraha ayaa ka soo horjeestay goaanka baarlamaanka.
Qurbejoog-Muqdisho
contact@contact@somalidiasporanews.com