|

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif oo Si Niyad Sami leh u bogaadiyay Go’aanka Qaramada Midoobay

Nairobi 13.Nov 2013 (SDN)- Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku ansixiyy kordhinta tirada ciidamada AMISOM iyo qorshaha lagu taageerayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Mahamat_Saleh_Annadif--300x224Danjire Annadif ayaa sheegay in go’aanka Golaha Ammanka uu ku soo beegmay xilli ku habboon, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay guulo la taaban karo ka gaareen sidii Shabaabka looga saari lahaa magaalooyin muhiim ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in la helo ciidamo dheeraad ah si loo xaqiijiyo ammaanka goobaha la xorreeyay.

Annadif ayaa sheegay in qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka uu muujinayo muhiimadda beesha caalamka ay siinayso dadaalka Midowga Afrika ee ku wajahan Soomaaliya iyo in la aqoonsado in howsha AMISOM ay muhiim u tahay ammaanka caalamka iyo tan gobolkaba, oo ay qeyb ka tahay la dagaallanka argagaxisada iyo burcad badeedka.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya waxa uu u mahad-celiyey dalalka howlgalkan dhaqaalaha ugu deeqay, wuxuuna ku boorriyay in lagala shaqeeyo sidii loo howl-galin lahaa ciidamada dheeraadka ah ee la keenayo Soomaaliya sanadka dambe.

Danjire Annadif ayaa sheegay in qaraarka Golaha Ammaanka ee ku aaddan kordhinta tirada ciidamada AMISOM uu ku yimid codsi Golaha Ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ku dalbaday in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed