|

Ergadii Somaliland u Matalaysay Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somalia ee Burburay oo Si aan la arag Hargaysa loogu soo dhaweeyay SAWIRO

Hargaysa 03.March 2015 (SDN/QJ)- Shacbiga Somaliland ayaa dareen qiimo badan oo aad u sareeya ku qaabilay weftigii uga qaybgalay shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Turkiga, ee uu maamulka muqdisho carqaladeeyey ka dib markii ay u adeegsadeen, xubno calooshooda u shaqaystayaal ah oo Somaliland kaga maqan baxsad siyaasadeed, balse ay somaliya werwer ay ka qabto in Somaliland kaga guulaysato wada hadaladaasi ay uga baxeen xubnihii Xamar.

 

Waftigan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay  iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa,  Dadweyne aad u tiro badan  oo isugu jiray Salaadiin, Boqoro, Cuqaal, Xubno Kamida Golaha Wasiirada, Golayaasha Baarlamanka, Guurtida, Deegaanka, iyo Dhalinyaro aad u badan kuwaas oo sitay Calamaan iyo Boodhadh ay ku qaran yihiin hal ku dhigyo ay ku muujiynaayeen cushuurtooda wadannimo.

 

Waftigan balaadhan ee ku maqnaa dalka Tukriga ayaa la filaayey inay  ka qeyb galaan wada hadalo uu Dalkaasi dhex dhexaadinaayey kuwaasi oo ay Jamhuuriyada somaliland kusoo hor fadhiisan lahayd  Maamulka muqdisho ee Somaliya, hase ahaatee waftiga somaliland ayaa ganafka ku dhuftay inay hor fadhiistaan waftiga somaliya, ka dib markii ay  soomaaliya  waftigeeda kusoo dartay xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, balse u shaqo tegay xamar, waxaanay  xubnaha somaliland si adag ugu sheegeen Turkiga iyo Soomaaliya inaanay marnaba hor fadhiisanayn cid kasoo jeeda deegaanadooda, uguna jira liiska denbiileyaasha.

 

Ka dibna waxay weftigu u soo duuleen dalkooda hooyo ee Somaliland  markii ay diyaaradu soo cago-dhigatay Madaara Cigaal International Airport, waxaa halkaasi soo dhaweyn balaadhan oo kal iyo laab ah ku soo dhaweeyey  mid midna u gacan qaaday dad weynihii halkaasi ku sugnaa,  waxaana markii qolka VIP-da la gaadhay  warbaahinta kula hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibeda Jamhuuriyada Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo ku hadlaayey afka Waftiga,  ayaa sheegay in dawlada xamar iyo dawlada turkigaba  ay shuruud kaga dhigeen  inaanay shirkaasi fadhiisanayn Somaliland, hadii ay dhanka xamar ku jiraan xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland  ayna gaadheen qaraar  sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inaanay Somaliland mar danbe ka qeyb galayn wadahadalo lala yeesho dawlada xamar, inta ay adeegsanayaan calooshooda u shaqaystayaasha ku abtirsanaaya Somaliland.

 

Waftiga ayaa markii danbe loo soo galbiyey  dhanka Madaxtooyada JSL, intii ay ku soo jireen jidadka caasimadana waxa salaan sharaf ciidan ay ka qaateen ciidamada kala duwan ee dalka Somaliland, waxaanay socod lug ah ku marayeen wadooyinka caasimada inta ugu mashquulka badan weftigu iyada oo ay hareero socdaan kumanaan shacbiga Somaliland ka mid ah, iyagoo waftiguna dadkaasi gacan tag u fidiyey, islamarkaana goobaha qaar kula hadlay shacbiga una sheegay inay qaadeen shucuurtooda iyagoo sidana ay la tageen wadankaasi Turkiga,  oo  aanay marnaba ku talaabsan wax qaranka  dhabar jab ku ah, balse ay ku talaabsadeen wixii shacbiga iyo xukuumadu isla qaateen markii aynu la soo noqonay madaxbanaanideena wax iska bedelayna aanay jirin in la adkeeyo mooye.

DSC_0004 DSC_0008 DSC_0018 DSC_0023 DSC_0028 DSC_0049 DSC_0060 DSC_0066 DSC_0069 DSC_0074 DSC_0076 DSC_0081 DSC_0085 DSC_0087 DSC_0092 DSC_0093 DSC_0094 DSC_0103 DSC_0107 DSC_0124 DSC_0127 DSC_0131 DSC_0149 DSC_0154 DSC_0157 DSC_0179 DSC_0190 DSC_0195 DSC_0199 DSC_0211 DSC_0217 DSC_0253 DSC_0276 DSC_0281 DSC_0299 DSC_0308 DSC_0313 DSC_0315 DSC_0322 DSC_0328 DSC_0346 DSC_0355 DSC_0372 DSC_0435 DSC_0436 DSC_0440 DSC_0443 DSC_0448 DSC_0450 DSC_0451 DSC_0455 DSC_0461 DSC_0469 DSC_0480 DSC_0484 DSC_0488 DSC_0489 DSC_0506 DSC_0517 DSC_0549 DSC_0595 DSC_0598 DSC_0614 DSC_0619 DSC_0621 DSC_0624 DSC_0637 DSC_0646 DSC_0656 DSC_0683 DSC_0711

 

Comments are closed