|

Erdogan iyo Xasan sheekh oo ka wadahadlay arrimaha Badda

Muqdisho August 11, 2024(QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xiriirka dhow ee ka dhaxeeya dalalkooda iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso dadaalada Turkiga ee ku aadan dhex dhexaadinta iyo fududeynta wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku nuux-nuux saday in wax walba oo la heshiinayo ay tahay in la ixtiraamo Qaranimada, Midnimada iyo Xuduudaha Qaranka Somalia, iyadoo la raacayo shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Dhanka kale, Wajiga labaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo Turkiga uu dhexdhexaadin ka yahay ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Comments are closed