Eng. Yariisow iyo Gorfaynta Sababaha Iscasilaaddiisa Keenay
Muqdisho:April,25,2014(SDN/QJ)-Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa iska casilay xilalkii La Taliyaha dhinaca Warbaahinta iyo Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo xilkan uu hayay muddo 12-bilood, iyadoo uu labadaa Xilba istiqaaladooda dhiibay.
Eng. Yarisow ayaa caan ku ahaa dushiisana ay ka muuqatay jacayl xad-dhaaf ah oo uu hayey xilalka uu madaxtooyada ka hayey, waxana ay iscasilaaddiisanani dad badan ku noqotay laf dhuun gashay amaba hal-xidhaale ay furidiisu adag tahay.
Wararka hoose ee soo Gaadhay Qurbejoog.com ayaa sheegaya in Eng. Yariisow loo magacaabi doono xilal ka fiican kuwii uu haatan hayey, maadaama ay saaxiiibo dhaw yihiin Madaxweyne Xasan sheikh, isla-markaana uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay isku xidhkii Madaxweynaha iyo warbaahin caalami ah oo uu siiyey Warbixino la xihdiidha Horumarka maamulkiisu ku tallaabsaday.
Eng. Yarisow ayaa sanadkii la soo dhaafay si fiican uga dhex muuqday saxaafada oo uu si hagar la’aan ah u difaaci jirey Madaxweynaha iyo Siyaasada Dowladda, sidoo kale waxuu si aad ah ula xidhiidhi jirey warbaahinta caalamka oo inta badan soo xigan jirtey warkiisa, waxaana aad u isticmaali jirey baraha loo yaqaano social media sida facebook iyo twitter oo uu mar walba shacabka ugu soo tabin jirey akhbaarta Dowladda.
Eng. Yarisow ayaa 6-dii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho oo uu xilal kala duwan oo muhiim ah soo qabtay sida Wasiirka Lacagta iyo Wasiirka Warfaafinta, mudadii uu UK joogeyna waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Jaaliyadaha Qurbo joogta iyo weliba isagoo 10 sano la soo shaqeeyey Dowladaha hoose ee UK oo uu heer maamule ka ahaa.
Marka la eego awoodda Maamul ee Eng. Yariisow iyo khibradda uu u leeyahay xil kasta oo loo magacaabo, waxa la tuhunsan yahay inuu madaxweynuhu u qoondeeyey xilka muhiimsan midkan uu iska casilay, waxana la filayaa inuu ayaamaha Soo Socda ka soo muuqda xilka ay issaga iyo madaxweynuhu ku heshiiyeen.
SDN/QJ