Eng Maxamed Xaashi “Waa Nasiib Darro Wayn Ragii Siyaad Barre ku Dhaliilayey inuu Xaq Darro ku kacay Ee Aynu ka Dagaalannay In Iyagii Galaan.”
Hargaysa 10.April 2014 (SDN)-Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo xiligan ka mid ah siyaaiyiinta ku bahoobay madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ,ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay habdhaqanka ay kula dhaqmayso Bulshada Somaliland.
Mujaahid:Maxamed Xaashi Cilmi Oo maanta ka hadlaayey shir-jaraa’id oo ay qabteen siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga ku bohoobay,ayaa ugu horrayn waxaa uu ka hadlay xadhigga ay Xukuumadu ku Xidhay Wargeyska Haatuf waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
“Inaga oo ictiraaf raadinayna, inaga oo ay ahayd inaynu sharciga ku dhaqano, inaga oo ay ahayd inaynu somalida kale kaga duwanaano oo aynu tusno wanaageena iyo sidaynu halgankeena ku soo marnay, isaga oo madaxweynuhu ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa intii halganku socday, maanta lagama filayn xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay xaq daro xalaashadaan, waxay ahayd haddii jariirad wax laga sheegayo in ninkii qoray maxkamada la geeyo oo uu ka dacwiyo wixi lagu helana lagu qaado jariiradana in marna la xidho may ahayn waayo jariirada dad ayaa ka shaqeeya, nin durbaan qaatay ilaaq dalbay ayaa la yidhi marka uu ninku madaxnimo u baxo oo uu xil umadeed qaado inuu yidhaa cidbaa wax I tidhi maaha waayo la odhanayaa waana lala xisaabtamayaa, wixii ay xumeeyeen ayaa la sheegayaa, jaraa,id ayaa sheegaya oo dadka ayaa sheegaya, waa la xukumay oo ninkii arintan loo haystay maxkamadba lama marin maaha wax sharciya, mana aha wixii aynu maanta ku kici lahayn,”
Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu sidoo kale ka hadlay qaabka ay u dhaqmaan ciidamada RRU-du oo uu tilmaamay in habeenki inta guryaha ay u dhacaan ay dadka iska xidhxidhayaan,waxaanu yidhi.
“Maanta waxaynu u baahan nahay inaynu tusaale fiican noqono oo wixii ina soo maray aynu ka nasano mana ah inaynu mid kale galno oo RRU-du kolba aqal jabiso oo dadka loo dhaco habeenkii, dadkana layska xidh xidho, waxaasina waa wax inaga fogaynaya aqoonsigii aynu raadinayey nasiib darada ugu waynina waxa weeye ragii ina Siyaad Bare ku dhaliilayey inay xaq daro ku kaceen oo aynu ka dagaalanay oo aynu ku ridnay inay iyagii galaan waa nasiib daro wayn, waxaanan leeyahay madaxweynaha waa in si dhakhso ah loo sii daayo jariiradaha xidhan, wixii ka baaqdayna dawladu ha bixiso iyadaa gashay danbigaase.”
Hargaysa SDN.
Qurbejoog@gmail.com