Eng. Maxamed Xaashi Oo Isbarbar dhig Ku Sameeyey Mushaharka Madaxweyne Siilaanyo Iyo Qiimaha Lacagta Mishiinada Kelyaha ee Cisbitaalku U Fadhiyaan
Hargeysa:Mar,05,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka Hadlay Dayaca Dalka ka jira iyo sida aanu madaxweynihii shacabku doorteen diyaarka ugu ahayn inuu u damqado dadkiisa jilicsan.
Maxamed Xaashi oo shalay ka Hadlay madashii ay isbahaysiga ku samaysteen Mucaaridka Somaliland, ayaa sheegay inuu madaxweynaha dalku qaato mushahar xad-dhaaf kaligii, halka uu mishiinka Kaliyaha oo dadka oo dhami baahi badan u qabaan u fadhiyo kaliya lacag jaban oo xukuumaddu dabooli karto, “Waxa lagama maarmaan ah inaynu Caafimadkeena sare u qaadno, oo dadka wax haysta dibada ayey u baxaan, kii aan waxba haysan, oo Dhakhtaradu u qoraan in aan halkan lagu dawayn karin, iska dhimo weeye, qofkaagana ka qaalisan lacagta, kolkaas haddii uu Dawlad u shaqayo iyo haddii aanu u shaqaynba, in haddii la yidhaahdo halkan laguguma daweyn karo, in wax loo qabto oo noloshiisa la badbaadiyo xaq ayuu u leeyahay, Dhakhtarada weynu soo kiraysan karnaa, Mushahar ayeynu siin karnaa,Mushahar badan ayeynu sii karnaa, Mushahar ay ku fadhiyi karaan ayeynu siin karnaa, wasaynu soo iibsan karnaa qalabkii ay ku shaqaynayeen, waxaas Dibada loo tagayo dalkeena ayeynu ka sameeysan karnaa marka aynu Caafimaadka ka hadlayno, xigmad darada dadka haysata waxa ka mid ah Mishiinadii Keliyaha wey fadhiyeen, Ninka ay Keliyuhu wax noqdaan ee Dibada tagi karaa, Fisihii uu ka dhacayaa, marka la yidhaahdo Dhiigi Saddex jeer ayaa laaga bedelayaa, ma xamili karo, ma joogi karayo, kii aan haysana waa iska dhimo, waxa ay u fadhiyeen waa 45-kun oo doolar oo qudha, Madaxweynaha Mushaharkiisu waxa uu ahaa 36-kun bishii, markaas ayaa la odhanyaa wax la’aan ayaa jira, wax la’aani ma jirtee, farsamo xumo ayaa jirta,caqli xuma jirta, naxariis daro ayaa jirta” ayuu yidhi Maxamed Xaaji.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com