|

“Eedihii La Ii Soo Jeediyay Waxa Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Wasiirro Ku Soo Warshadeeyeen Gurriga Madaxweyne Ku xigeenka” Gudoomiye Cirro DAAWO

Hargaysa 25.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sheegay in Gurriga madaxweyne Ku xigeenka lagu soo warshadeeyay eedo ay xildhibaanno ka tirsan aqalkaasi u soo jeediyeen oo la xidhiidhay inuu dhalan rogay xeerkii diiwaan-gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha ee uu u gudbiyay aqalka Guurtida.

Gudoomiye CirroGuddoomiye C/Raxmaan Cirro waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu Shalay Galab  ka soo degay madaarka Hargeysa, ka dib markii saddexda Guddoomiye ee saddexda xisbi qaran ay ka soo laabteen socdaal dhawr maalmood qaatay oo ay kula soo kulmayeen qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hanaanka dimuqraadiyadeynta.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu waxa uu farta Ku Fiiqay  cidii soo nashqadeysay eedihii isaga loo jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan Saxaafadda ka maqlayay in ugu yaraan saddex jeer Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Wasirro inay Xildhibaanno kula shireen Guriga Madaxweyne Ku xigeenka, inkasta oo aan  maqnaa waxaan is leeyahay eedihii la ii soo jeediyay waxa lagu soo warshadeeyay halkaas, eedo Goluhu leeyahayna ma aha. Xildhibaanadda aad leedihiin waa muxaafid iyo kuwa u jawaabay-ba waa Mudaneyaashaydii Golaha Wakiiladda, aniga ayaa oday u ah, Golahana anigaa oday ka ah.

Golaha wixii u yaalla ee isaga u dhaxeeya Golaha Gudihiisa ayuu kaga wada hadli doonaa haddii ILAAHAY ka dhigo.”

 

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xil ka qaadista ay Xildhibaanno ka tirsan aqalkaasi sheegeen inay xilka ka qaadi doonaan, waxa uu yidhi “Horta Xil ka qaadistu haddii ay dariiq sharci ah soo marto waa arrin iska caadi ah. waxaanan odhan lahaa qof kasta sharciga ayaa ka sareeya ama aniga  ha noqdo ama  mid kale ha noqdee. Markaa waxay ila tahay haddii ay timaado oo ay dariiq sax ah soo marto dariiqeeda ayaa la marin doonaa. Waxaanse odhan lahaa anigu suugaanta kuma wanaagsaniye “Ma didee hargooloow, ha igu tumin durbaannada iyo daasadaha madhan.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed