|

“Eedda halkan ka socoto annagu isaaq iyo siilaanyo midna uma haysano’e annagu xirsi-gaab baanu u haysanaa” Cali Khaliif

Saax-dheer:July,30,2014(SDN/QJ)Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo ku jira Dhuumaalaysigii iyo dagaalkii uu ka waday Deegaanka Koonfurta Gobolka Sool, ayaa ka Hadlay Sida uu u arko Maamulka uu wali u dagaalamayo iyo Heerka ay filashadiisu tahay.

cali khaliifCali Khaliif oo isagoo Goob Baadiye ah jooga Video soo duubay, ayaa ku dhawaaqay inuu Wada Hadal la furtay Beelaha Deegaannada Puntland ku dhaqan, gaar ahaan Beelaha Ugu tunka weyn Halkaas oo ay kaw ka tahay Beesha Cumar-maxamuud.

Waxa uu ka hadlay wada-hadal uu la qaatay Beeshaas oo ka dhacay deegaanka Burtinle iyo natiijadii ka dhalatay oo uu sheegay inay ku jirto sidii dhaawacooda loo gaadhsiin lahaa Deegaanada Beeshaasi deggen tahay,

“Maamulkayaga waa samaysanaynaa, kaasaana  noo noqonaya cidda Hawsha noo qabanaysa,arrinta aanu Halkan u joognaana waa wada Hadal aanu Puntland la yeelano, waxanu halkaas u tagnayna waa wixii taakulo ah ee ay noo awoodaan, gaar ahaan dagaal baa na haya oo dhafoorkaa xabad nalagaga hayaa, dagaalkaasna ragbaa ku dhiman doonaragna waa kudhaawacmi doonaan taasna waa ku guulaysanay ilaa Gaalkacyo-na waddo inoo irmaan bay noqon doontaa, mana aha kaliya beesha Cumar Maxamuud ee waa Beeshaas aynu wada DHallanay ee Majeerteen.” Ayuu yidhi Cali khaliif.

Waxa kale oo uu ka hadlay Gaadhigiisii dhawaan ciidanka qaranka Somaliland ay gacanta ku dhigeen oo ku sheegay mid la buunbuuniyey oo la dhaafiyey xadkiisii, isla-markaana laga dhigay in la qabtay wixii ugu weynaa Maamulkiisa Dibad-wareegga ah, waxana uu si dadban ugu dhawaaqay in dhacaas dhac kale lagaga jawaabo, waxana uu yidhi,

“arrinta beesha waqooyi galbeed ina dhextaallaa waaba ka Dartay oo waxaba bilaabmay in baabuurtii shacbigana la kala dhaco, baabuurkaygiina waxa uu noqday meel ciddu isugu timaaddo oo lagu dul-dhaanteeyo, hadda caal-waanimo ayey taasi u egtahay, cid wax kale oo ay qabato wayday oo babuur inan fududaaday Halkan uu kala tagay oo la tegay Kala-baydh laga dhigto qaniimad oo laga sameeyey musalsallo la leeyahay dagaal baanu ku qaadnay sax-dheer oo la leeyahay baabuurkii ina khaliif oo ay saaran yihiin sirtii Khaatumo oo dhami ayey leeyihiin.”

Cali oo ka sii hadlay Gaadhigaas, ayaa Hadalkiisa sii raaciyey,

“maba lahayn baabuurkaasi  oo waxa uu ahaa baabuur kiro ah, haddii hadda la keenana  iyagaa inaga baabuur badan, inkastoo aanan jeclayn inaan ku baaqo in baabuurtooda la dhaco, haddana Qaniinyo qaniinyo uun baa kaa furfurta.”

Waxa uu carrabka ku dhuftay in wixii dawlado soo maray deegaanada somalida aanay jirin  Dawlad dhinacooda kaga xun midd uu  madaxweyne Siilaanyo HOggaamiyo, waxana uu si gaar ah u sheegay in khasaaraha kasoo gaadhay Dadkiisa Dagaalladaas ay kaliya u haystaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtoyada xirsi oo aanay Madaxweyne Siilaanyo iyo cid kale midna waxba u haysanin, waxana uu yidhi,

“Wixii dawlad Somalia ah na soo martay Maamulkaasi Somaliland waxa uu dadkan baday waligeed nama soo marin, mana illaawayno, dembiilyaal weeye adduunkuna maxkamado ICC lla yidhaahdo ayuu ka furay, Kowna wax aka ah oo isaga lftiisa aan u sheegay  ninka xirsi gaab la yidhaadho eedda halkan ka socoto annagu isaaq iyo siilaanyo midna uma haysano’e annagu xirsi-gaab baanu u haysanaa”

Waxa uu ku celiyey dhawaaqii uu caanka ku ahaa ee in looga baxo dhul uu sheego in laga Haysto, waxana uu yidhi,

“Dagaalladan ay qaadayaan  iyo dadkan la xidhxidhayaa waligeed nama soo marin ummaddana ilaah baa is baday oo idinkuna ma guurayno, annana ma guuraysee Dhulkayaga noo daaya.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com,

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed