|

“Eeda Xeer ilaalintu Waa Mid Jaban,xadhig Guuleed Wuxuu Noqonayaa gef iyo gaboodfal lala bartilmaameedsanayo ruux muwaadin ah”.

Hargaysa 23.April 2015 (SDN/QJ)- Saleebaan Ismaaciil Bulaale “Saleebaan Xuquuq” oo ka mid ah daneeyayaasha Xuquuqul iinsaanka Somaliland ayaa ka fal Celiyay eedo ay Xeer ilaalinta Somaliland ku soo oogtay Guuleed Axmed Jaamac “Guleid Dafac” oo Gudoomiye u ahaa Mid ka Mid ah Ururada aan dawliga ahayn ee u dooda Xuquuqda aadamaha,kaas oo uu ku sifeeyay Mid lagu bartilmaameedsanayo daneeyayaasha Xuquuqul Iinsaanka.

SALEEBAAN XUQUUQQoraalka Saleebaan Xuquuq oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Facebook ayaa u dhignaa Sidan “NGO-giisa Xarunta Xuquuqda Aadamigu sharciga caalamiga ah iyo kan Somaliland uma baahna in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku Diiwaangaliyaan!.

Asalkaba Xaq maguuraan ah ayay Muwaadiniintu u leeyihiit in ay Qof kali ahaan iyo koox ahaanba isku abaabulaan si ay uga shaqeeyaan horumarinta iyo ilaalada xuquuqda Aadamaha iyo Xoriyaadka Aasaasiga ah. Qaanuinka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga oo Dastuurka Somaliland ayidsan yahay ayaa sidaa jideeyay.

guuleedeEeda Xeer Ilaaliyaha Guud ku andacoonayo in xafiiskiisa Guleid NGO giisu aanu ka diiwaan gashanayn waa mid jaban oo ceeb ku ah haybada dawladnimo ee Somaliland.

Sidaasi darteed hadii aanay Xukuumada Somaliland u haynin Eedo waafaqsan qaanuunka Guleid Dafac markaasi xadhig ku sii haynta Guleid waxay noqonaysaa gef iyo gaboodfal lala bartilmaameedsanayo ruux muwaadin ah oo u Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamiga.

Ilaa iyo inta Guleid Dafac iyo urukiisu aanay iyagoo ah urur Xuquuq Aadami oo wadani ah aanay hadana u adeegaynin cadowga dalka islamarkaasina aanay fulinaynin siyaasada xisbi siyaasadeed oo gaar ah waa in lagu ixtiraama hawsha adeega Xuquuqda Aadamiga ee uu sida dhexda ah una danta ah dadkiisa iyo dalkiisa uu u hayo.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed