|

Edward Snowden Oo Markale War Fiican Ka Helay Dalka uu Martida u yahay ee Ruushka

Moscow:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Edward Snowden oo ah nin hore ula shaqayn jirey Sirdoonka Maraykanka, isla-markaana bixiyey Macluumaadkii ugu badnaa ee siraha dalkiisa la xidhiidha ayaa waddanka Ruushka ka helay  muddo-kordhin xagga degenaanshaha ah.

snowdenQareenka Snowden Anatoly Kucherena ayaa u sheegay saxafiyiinta in Snowden loo ogolaaday in uu meeshii uu doono mari karo isla markaana dibada u safri karo,

“Codsigii uu gudbiyey Edward Snowden sidii uu ahaa ayaa loo oggolaaday waxaana la siiyay fasax uu ku joogi karo Ruushka muddo saddex sano ah,” ayuu yidhi Kucherena.

Ninkii hore u shaqeyn jiray hay’ada ammaanka qaranka (NSA) ayaa hore waxaa loo siiyay degenaansho hal sano taas oo ku ekeyd 1dii bishan August, balse haatan codsi kadib waxa uu helay muddo kordhin uu ku faxay.

Snowden oo markii hore u baxsaday Hong Kong kadibna tegey Moscow ayaa la rumeysan yahay inay gacantiisa ku jirto dukumintiyo sir ah, taasoo dowlada Maraykanka ay ku sheegtay in aan la aqoon xaqiiqdii intii uu hore u sii qaaay.

Snowden ayaa sanadkii hore dowlada Maraykanku ku oogtay dambi ah xatooyo xoolo dowladadeed iyo in uu u bandhigay waxyaabo sir ah dad aan loo oggoleyn.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed