|

Duyuuradaha Kiinya oo Kismaayo duqeeyay iyo Shabaabka oo ka hadlay

Kismaayo Sept 26,2012(SDN)-Ciidamada dalka Kiinya ee mudadaba duulaanka ku ahaa magaalada Kismaayo ee ilaa haatan ah magaalada ugu weyn ee Shabaabku gacanta ku hayaan ayaa hawada ka duqeeyay garoonka duyuuradaha e magaaladaasi.

Ciidamada cirka ee dalka Kiinya ayaa sheegay in duulaan ay ku qaadeen garoonka duyuuradaha ee Kismaayo ay ku bar tilmaansadeen kooxda Al Shabaab.

“Duqeyn ey ciidamadeenu u geysteen garoonka duyuuradaha ee Kismaayo waxa ay ku garaaceen goobo keyd hub uu u yaalay kooxda shabaabka”ayaa lagu yiri war uu saxaafada siiyay afhayenka ciidamada Kiinya Cyrus Oguna.

Balse Ahayeenka kooxda Al Shabaab Cali dheere ayaa sheegay in weerarkaasi aanu wax khasaare ah u geysan ciidamadooda.

“Weerarkaasi waxa uu ahaa mid laga lahaa ujjeedo kale oo waxa lagu dhiiri gelinayay ciidamadaniyad jabsan ee cadawga:ayuu yiri Cali Dheere.

Dadka weli ku haray Kismaayo ayaa xaqiijiyay weerarka balse ma jiraan cid madax banaan oo ka warbixin karta khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Ciidamada Kiinya ayaa Kismaayo ku sii jeeda mudo sanad ka badan oo ay fooda gelin keri la’a yihiin.

SDN-

Comments are closed