Duyuuradaha aaney cidi wedin ee Mareykanka ee Duqeeya dalal Soomaaliya ay ka mid tahay oo la sheegay in xaruntoodu tahay Sacuudiga
Washington Feb 07,2013 (SDN) Warbaahinta wadanka Mareykanka ayaa shaacisay in dayuuradaha aanu duuliyahu la soconin ee Mareykanku leeyahay ay
saldhig qarsoodi ah ay ku leeyihiin wadanka boqortooyada Sacuudi
Arabiya.
Dayuuradaha aanay cidi wadin ee loo yaqaano drone-ka ayaa la
sheegay in labadii sanadood ee aynu kasoo gudubnay ay ka hawl galayeen
saldhig qarsoodi ah oo dhinaca cirka ah.
Dayuuraha Drones-ka ayaa lasheegay in ay hawlo galo ka fulinayeen
wadanka Yaman iyadoo wax ogolaansho ah laga helin xukuumda wadankaasi
Hayadda wardoonka Mareykanka ee CIA –da ayaa hawlgaladaasi ka
fulinaysay saldhig qarsoodi ah oo xaga cirka ah , waxaana inta badan
dayuuradahaasi ay bartilmaameed ka dhigteen xubnaha al-Qaaciida ee
dhaqdhaqaaqyada ka sameeya dhulka jasiirad lamoodka carabta, kuwaasi
oo fadhiisimo ku leh gudaha wadanka Yaman.
Dayuurado daroneska ah ee kasoo duulay saldhigaasi ayaa loo
adeegsaday dilkii lagu khaarajiyey 2011-kii Anwar al-Awlaki, oo
ahaa wadaad haysta dhalashada wadanka Mareykanka , kaasi oo lagu
eedeeyey inuu hogaamiye u yahay al-Qaaciidadad a ka hawlgasha
arladaasi. Anwar al-Awlaki , waxaa uu ka mid ahaa saddex ruux oo
Mareykan ahaa oo ku dhintay weerar dhinaca cirka ahaa oo ay fuliyeen
dayuuradaha iswada ee Droneska.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com