|

Duyuurad duqeysay aqal ku yaal magaalada Jilib

-Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo warramayaa in ay duqeysay guri ku yaalla magaalada Jilib, halkaas oo la sheegay in ay ku sugnaayeen xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo laba goobood, diyaaraddu waxay shalay laba gantaal ku dhufatay gurigaas, waxaana ka dhashay khasaare laxaad leh.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ay arkayeen bur burka guri ku yaala degmada Jilib, waxaana ay ku sifeeyeen in uu ahaa qarax xoogan, waxaana ay tilmaameen in aysan cadeyn inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Ilaa hadda ma jiro war faahfaahsan oo ku saabsan duqeynta diyaaradeed ee dhawaan ka dhacday degmada Jilib iyo khasaaraha ka dhashay.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo looga bartay howlgallada noocan oo kale ah ee ka dhanka ah Al-shabaab, ayaan wax war ah oo rasmi ah kasoo saarin duqeyntan gaarka ah. Al-Shabaab ayaa qiratay in diyaarada laga leeyahay dalka Mareykanka ay bartilmaansatay guri ay degan yihiin dad caadi ah, taasi oo sababtay dhaawaca labo ruux oo ay ku jirto gabar 11 sano jir ah.

Comments are closed