Duufaano Siyaasadeed oo lagaga soo Horjeedo Madaxweynaha Sudaan oo Maalintii Lixaad galay iyo Dad ku dhintay
Khartoum 29.Sep 2013 (SDN)- Magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan ayaa maalinkii lixaad waxa ka socda dibadbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo nidaamka talada dalka haya ee madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.
Ciidanka Amaanka ayaa lagu soo waramaya inay awood u adeegsadeen sidii ay u kala cayrin lahaayeen dadka dhigaya banaanbaxyada, waxana sidoo kale lagu dhawaaqay in xoogaga mucaaradku ay ku midoobeen Jabhada xoogaga isbedel doonka.
Ilaa 33 qof ayaa ku dhintay dibadbaxyadan rabshadaha wata, waxaan sidoo kale xabsiga loo taxaabay ku dhowaad 600 oo qof.
Kumanaan dhalinyaro iyo ururada bulshada Sudan ayaa dibadbaxyo iskugu soo baxay wadooyinka xaafadaha Khartoum, waxana ay isla jiibinayeen halku dhegyo ay ka mid tahay Bashiir waa gacan ku dhiigle iyo xoriyad ayaan dooneynaa.
Dadkan oo ka caraysan kororka qiimaha maciishada ay dowladu sameysay ayaa haatan iskugu biyo shubtay hal wax ah oo ka mideysanyihin kaasi oo ah in Bashiir iyo xulufadiisu ay xilka ka degaan.
Telefishinada Al-Carabiya iyo Sky News ayaa la xiray xafiisyadoodi Khartoum sidoo kalena dowladu waxay shaqada ka joojisay saddex jornaal oo ka soo bixi jirey magaalada.
AFP ayaa sheegtay in mudaharadyadan isku badaleen kuwo rabshado wata islamarkaasina burburiyay hanti guud iyo mid gaar ahaaned, waana kuwii ugu waawaynaa tan iyo markii uu xukunka Inqilaab militeri ku qabsaday madaxweyne Al-Bashiir May 1989.
Khartoum SDN.
Qurbejoog.com