|

Duufaan roob iyo dabeylo xoogan ay weheliyaanoo ku soo fool leh degaanka Soomaalida ee Geeska Africa

Muqdisho Nov10,2013(SDN)-Duufaan sidata roob iyo Dabeylo xawli ku socda ayaa ku soo fool leh qaar ka mid ah degaanada Soomaalida ee Geeska Africa.

Duufaantan oo bada Carbeed ka unkantay Jimcihii ayaa la saadaalinayaa in ay sababto fatahaadyo daylo xawli ku socda kolka ay soo gaaraan dhulka Soomaalida.

Dabeylaha ay duufaantani sidato ayaa lagu qiyaasayaa in xawligoodu uu u dhexeynayo 50 ilaa 100 km halka roobabka ku hoori doonana lagu qiyaasay 100 ilaa 200 mm ama 4 ilaa 4 inch.

Duufaanta ayaa lagu wadaa in ay soo gaadho degaanka Soomaalida maalinta berito ama aroornimada Isniinta.

Iyada oo ka dhul bilaabi doonta Bariga Soomaaliya ka dibna Soomaaliland uga sii gudbi doonta bariga Itoobiya.

Mid ama laba duufaan oo ka curta bada Carbeed ayaa ku dhufta Geeska Africa sanad walba,bishan bisheedii ayaa u danbeeysay Dufaan ku dhufata degaanka Soomaalida.

SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed