Duruufo Caqabad ku Noqday Sii ambo qaadista Wada hadalada Somaliland Iyo Somalia iyo Mawqif adag oo Weftiga Somaliland istaageen
Ankara 02 March, 2015 (SDN/QJ)-Wada hadalada u dhaxeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta loo balansanaa inay ka bilaabmaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa u muuqda kuwo caqabado ay hadheeyeen, kadib markii Somaliland ku adkaysatay shuruudo ay ku xidheen qabsoomidooda.
Labada dhinac oo la sheegay inay kulan casho sharaf ah ku qaateen Hotelka ay degan yihiin , ayaa dhinac walba sheegay in lagaga hadli doono arrimaha masiiriga oo dhinac walba u fasiranayo doonistiisa, halka wefdiga Somaliland u micnaysanayaan madaxbanaani, wefdiga Soomaaliyana midnimo.
Madaxa wefdiga Somaliland, wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in wada hadaladan oo muddo soo socday, ay rajeynayaan in kan maanta loo daa-dego arrimaha masiiriga ah.
“Wada hadalada muddo fara badan ayay socdeen, oo kii u dambeeyay ahaa 21-bishii December ee Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland heshiiskii ay Jabuuti ku saxiixeen ee qodob ka mid ah dhigayay in arrimaha masiiriga laga hadlo”ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in aanay aqbali doonin in dad ka soo jeeda Somaliland in shirka ay soo fadhiistaan, waxaana uu tilmaamay in haddii taas dhacdo ay shirka ka baxayaan sida uu yidhi.
“Marna ma ogolaaneyno in dad reer Somaliland u dhashay inay shirka soo fadhiistaan”ayuu yidhi Mr Biixi oo intaa ku daray in dhinacyada ay la hadlayaan ay yihiin dhinaca Koonfur, balse ay diidan yihiin in dad deegaanadooda u dhashay in wada hadalada ay u matalaan dowladda Federaalka.
Dhinaca kale, dawlada Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay in wada xaajoodyada maanta dhexmaraya wefdiga Somaliland lagaga wada hadli doono arrimaha masiiriga, sidii hore labada madaxweyne ugu heshiiyeen jabuuti, waxaanu u dhignaa sidan:
“Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaadheen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xag farsamo ah.
Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu caddeynayaa in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wada xaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.
Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya.
Haddaba Wefdiga dowladda Soomaaliya u matalaya wada hadalada oo u hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, isla markaana xubno ka yihiin Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Jaamac Jengeli, Saciid Qoorsheel iyo xubno kale, ayaan la saadaalin Karin sida ay u qabsoomi doonaan, maadaama xubno badan oo ku jira wefdiga Soomaaliya yihiin kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland sida Wasiirka Warfaafinta Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Jaamac Jengeli, Saciid Qoorsheel, oo ka horimanaya mowqifka wefdiga Somaliland ku xidheen ka qeybgalkooda wada xaajoodka.
Ugu dambayn, qabsoomida wada xaajoodyada ayaa u muuqda kuwo aan suurtagelayn, haddaanay labada dhinac midkood ka debcin mowqifkooda ku aadan qabsoomida kulanka maanta, oo ka dhigan in wefdiga Soomaaliya laga saaro dhowr xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ama wefdiga Somaliland aqbalaan inay la fadhiistaan wefdi Soomaaliya oo ku jiraan xubno Somaliland u dhashay, talaabo marar badan hore ay u diideen inay aqbalaan.