|

Duqeyn lagu laayay Shabaab ku sugnaa Galmudug

Muqdisho October 18, 2024(QJ) -Jimcihii, Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay weerar xooggan oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, oo ay ku hawl galaan xulafada Dowladda Federalka Somaliya ka taageera hawlgalada dhinaca cirka ah.

Goobaha ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa hadda ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan ciidamada dowladda Federaalka, kuwaa oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawileys. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda federaalka, ciidamadan ayaa fariisimo ka sameystay meel u dhow goobihii la beegsaday.

Ma jiro war faahfaahsan oo weli ka soo baxay Dowladda Federaalka iyo AFRICOM (Taliska Mareykanka ee Afrika), oo inta badan iska kaashada hawlgalladan duqeymaha ah.

Si la mid ah todobaadkii hore, duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah ayaa ka dhacay gobolladan, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in tobaneeyo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay deegaannadii la beegsaday.

Comments are closed