|

Duqaymo Diyaarado Aan Cidi wadin Xalay U Geysteen Saldhigyo Shabaabku Leeyihiin iyo Dawladda Oo Sheegtay inay Natiinada Dib ka SHeegi Doonto

Jowhar:15-March-2014(SDN)-Diyaaradaha Dagaalka Nooc aan Duuliyaha lahayn oo aan la Aqoonsan Meesha laga Leeyahay ayaa Habeenkii Xalay Duqeeyey  Saldhigyo Kooxaha Alshabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

dorDuqeynta ayaa ka dhacday Deegaanka Gamboole oo u dhaw Degmada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, sida ay sheegayaan wararka aanu haynaa.

 

Wararka ayaa sheegaya in Duqeynta ay Fuliyeen ilaa iyo LabaDiyaaradood  oo ah Nuuca Dagaalka,kuwaas oo Madaafiic la Dhacay Saldhiga Al-shabaab ee halkaasi ay ku leeyihiin, isla Markaana Khasaare Gaadhsiiyey.

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa  ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Halkaas Xalay la Duqeeyey oo ay Arrintaas ka War hayaan.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab Duqeynta Khasaare aan la Cayimin loogu geystay,dibna ay ka soo sheegayaan Baadhitaan ay Hadda Wadaan marka uu dhamaado.

Bishan 12-keedii ayey aheyd markii Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Baardheer lagu Duqeeyey islamarkaana looga Dilay Maleeshiyaad Al-shabaab ah, balse Maleeshiyadu arrimaha Noocan oo kale ah inta Badan war kama Soo Saaraan.

 

Daqaalka ay dawladdu kula JIrta Ururka Alshabaab ayaa Haatan Meel Xiiso badan maraya, waxana sii Badanaya Deegaamada ay Dawladu gacanta ku dhigayso ee ururka Iskaga Baxayaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed