|

Duqay ka soo Jeeda Gobolka Shabeelaha hoose oo ka Horyimid dhismaha Maamulka Konfurta Galbeed ee Somalia

Baydhaba 02.October 2013 (SDN)- Waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda maamulka gobolka Shabeellaha hoose e ayaa si weyn uga soo horjeestay olole ay wadaan xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle kaasoo ku saabsan in dhismaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

shir1Odayaasha ayaa ku eedeeyay xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle in ay xad gudub ka wadaan gobolkaas,wuxuuna sheegay iney faraha kula jiraan arimaha aaya ka talinta gobolkaas oo uu sheegay ineysan xaq u lahayn.

Waxaa ay wax aan la qaadan karin ku tilmaameen go’aan shalay ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeesheen xildhibaanada Digil iyo Mirifle kaasoo ay ku go’aamiyeen in dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxgaradka ayaa sheegay iyagu xaq u leeyihiin in ay ka hadllaan masiirka gobolka Shabeellaha hoose,wuxuuna ugu baaqay in ay maamul u dhisaan gobollada Baay iyo Bakool islamarkaana ay faraha kala baxaan arimaha maamul u samaynta Shabeellaha hoose.

Waxaa ay sheegeen in aysan suurtagal aheyn in dadka deegaan dega ay dad kale maamul u dhisaan sida uu sheegay,wuxuuna tibaaxay in gobolka Shabeellaha hoose marka ay is arkaan dadka deegaanka ay iyagu go’aansan doonaan maamul goboleedka ay ku biirayaan.

Baydhaba SDN.

Comments are closed