Duqa Muqdisho Oo Dilka Dhakhaatiirtii Reer Siiriya Dusha Ka Saaray Ciidanka Dawladda.
Muqdisho:27-Dec-2013(SDN)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur(Tarsan), ayaa markii ugu horraysay Sheegay in ciidanka Dawladdu lug ku lahaayeen dilkii Toddobaadkii hore duleedka Muqdisho loogu geystay Dhakhaatiir Somali iyo ajaanib isku jirta.
Maxamuud Tarsan waxa uu si cad u sheegay in dilkaas ay geysteen Rag ka tirsan ciidanka Dawladda ama dirayska Dawladda xidhani, maadaama ay dad goob joog ahaa sidaas u caddeeyeen.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in loo baahan yahay in raggaas sharciga la hor keeno, isagoo ku Gooddiyey inaanu sharcigu saamixi doonin muddaday doonta ha qaadatee.
Tarsan oo ay wajigiisa cadho badani ka muuqatay, ayaa ayaandarro ku tilmaamay in raggaas dadka somalida ah wax uqabanayey ay ku baxeen gacan lagu tuhmayo midda dawladda, waxana uu farta ku fiiqay in loo baahan yahyay ciidanka dawladda dabagalkooda la adkeeyo.
Kooxaha inta badan dilalka noocan oo kale ah geystay ee alshabaab ayaa iska leexiyey dilka Dhakhaatiirta, waxana ay maalintii arrintani dhacdayba tilmaameen in arrintaas ay fulisay dawladdu maadaama ay goobta iyadu ka taliso.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com