Duqa magaalo ku taal Mareykanka oo laga dalbaday in uu is casilo ka dib kolkii uu Soomaali magaaladaa ku nool u sheegay in ay dhaqankooda ilbaabka uga yimaadaan
Lewiston Oct 05,2012(SDN)-Duqa magaalada Lewiston ee dalka Mareykanka ayaa Soomaalida magaalada ku nool saxaafada u mariyay hadalo ka dhana dhaqankooda oo ka careysiiyay Soomaalida iyo dadka kale ee magaaladaa ku nool.
“Soomaalidu waa in ay dhaqankeeda uga soo tagtaa ilbaabka ayna qaadataa dhaqankeena”ayaa ka mid ahaa hadalada Duqa magaalada Lewiston ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka.
Robert Macdonald oo ah duqa magaalada Lewiston ayaa hadaladiisan ay saxaafada caalamku si weyn u soo xiganeysay todobaadyadii ina dhaafay.
Urur la yidhaahdo The Maine People’s Alliance ayaa saxaafada u sheegay in ay ururiyeen in ka badan boqolaal sexeex oo ay ka soo ururiyeen dadka magaalada Lewisto oo lagu dalbanayo in duqa magaaladu is casilo.
Duqa Magaalada Lewiston ayaa mar uu sharaxaad ka bixiyay hadalka lagu heysto waxa uu sheegay in uu ula jeeday guud ahaan soogelootigu in ay qaataan dhaqanka Mareykanka.
Ilaa lix kun oo Soomaali ah ayaa mudo aad isugu dhaw waxa ay degaan ka dhigteen magaalada Lewiston.
Dadka magaaladaas ayaa caro ka muujiyay sida ay Soomaalidu mar qura halkaa ugu guurtay iyo culeys dhaqaale oo saaid ah oo ay halkaa la tageen.
SDN-Lewiston
contact@somalidiasporanews.com