|

Duqa Degmada Saylac oo Xadhiga ka jaray Dayr lagu wareejiyay Xarunta Dawlada Hoose ee Saylac

Saylac 06.June (SDN)   Duqa Degmada Saylac mudane Xuseen iidle Barkhadle ayaa maanta xadhiga ka jaray dayrka cusub ee dawlada hoose ee degmada saylac.

Xafladan xadhig jarista ah ayaa waxaa goob joog u ahaa gudoomiyaha degmada saylac Xuseen Iidle Barkhadle,gudoomiye xigeenka degmada saylac Sacad Daahir Cige xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degmada saylac Bashiir Cilmi Waaberi, qaar ka mida xildhibaanada golaha deegaanka degmada saylac iyo saraakiisha dawlada hoose ee degmada saylac

Ka dib xadhig jarista dayrkan cusub ee dawlada hoose lagu wareejiyay oo dhererkiisu yahay 200 mtr ayaa waxaa goobtaasi hadlo kooban ka soo jeediyay masuuliyiinta dawlada hoose ee degmada saylac.

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay maayorka degmada saylac mudane Xuseen Iidle Barkhadle

Mayor Xuseen Iidle Barkhadle waxa uu ka waramay mashruucan oo ay maalgelisay dawlada hoose sidoo kale gudoomiye barkhadle waxa uu carabka ku dhuftay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa horumarinta deegaanku taasoo uu ku sifeeyay inay qorsha sanadeedka degmada saylac ku jiraan mashaariic door ah kuwaasoo ay ugu horayso dayactirka wadada wadnaha saylac ee isku xidha saylac iyo lowyacado.

Sidoo kle waxaa isna halkaasi ka hadlay gudoomiye xigeeka degmada saylac mudane Sacad Daahir Cige

Sacad Daahir Cige waxa uu ku nuuxnuuxsaday siday ay ugu guntadeen inay mudo kooban ku qabtaan mashaariic fara badan,waxa uu sheegay inay mudadii yarayd ee ay maamulka hayeen ku guulaysteen inay baahiya badan oo asaasia ah daboolaan baahidooda waxa kale oo gabagabadii tibaaxay inay sii wadi doonaan wax qabadkooda ku aadan horumarinta deegaanka

Geesta waxaa halkaa isna hadal kooban ka soo jeediyay xoghayaha fulinta dawlada hoose ee degmada saylac mudane Bashiir Cilmi Waaberi waxaanu sheegay inay hawl wayn oo wax qabad u baahani taalay degmada markii ay yimaadeen maamulkoodu balse ay durba wax badan dabooleen taa soo uu tusaale u soo qaatay madarasadii ugu horaysay ee degmadu ka dhisto tuulada toqoshi taa soo ay sadex maalmo ka hor xadhiga ka jareen.

Ugu dambayn xildhibaan C/kariim Aw aaden Kibaar oo ka mida mudane yaasha golaha deegaanka degmada saylac islamarkaana ku hadlayay magaca xildhibaanada golaha degmada saylac ayaa maamulka degamada ku amaanay sida ay ugu hawlanyihiin inay bulshadii soo dooratay wax u qabtaan taa soo uu sheegay inay ka mid tahay waxyaabihii ay maamulka ugu doorteen duqa iyo ku xigeenkiisa

Mashaariicda horumarinta ee ka socota Degmad Saylac ayaa si xawliya usii kacaya waxaana sii badanaya hadal haynta bulshada ee dhinaca waxqabadka ee maamulka degmada saylac.

Saylac SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed