|

“Dunida waxa ugu nabadgelyo Fiican Somaliland ilaa imika, Al-xamdulilaahi Dilna Kama Dhicine Haddidaad Baa ka Dhacday…..” Cali waran-cadde.

Hargeysa:11-Nov-2013(SDN)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha  Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa markii ugu Horraysay Ka Hadlay Falkii isku dayga dilka ahaa ee dhawaan Magaalada Hargeysa Loogu Geystay Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin  Axmed.

warankaWasiir Cali Maxamed Waran-cadde oo u warramayey Idaacadda BBC-da ayaa  sheegay inuu arrintaas si dhaw ula socdo, islamrkaana a ciqaab adag marin doonaan cidda uu falkaasi ku caddaado, “Waan maqlay oo waa la ii sheegay wax loo dulqaadan karona ma aha, waxanu marin doonaa Ciqaab adag si aaday  arrimahani u soo noqnoqan oo labadii wada Hadlaaba isugu geysan Hadidaad Noocaas ah.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka ayaa xusay inay ciidanka Booliska iyo  ciidanka ammaankuba amar ku qabaan soo qabashada cidda loo aanaynayo falkaas foolxumada badan,  waxana uu sheegay inay qaarkood gacanta ku hayaan, “Arrintaa(iskudaygaas dil) waanu ku daba jirnaa  Taliyaha Booliska iyo ciidankana Amar Baanu Siinay in si degdeg ah loo soo qabto, qaarkoodna waanu qabanay oo Raggii masuuliyadda lahaa waanu Qabannay , laba Nin-na waa Lagu Daba jiraa oo waanu wadnaa.”  Ayuu yidhi Wasiirku,Waxana uu intaas ku daray inay qaadi doonaan Tallaabo ay wax ku qaataan kuwa Arrimaha Noocan ah ku hawllani, “Waxanu Jecelahay in wax dadku kaga caago arrimaha Noocaas ah in kuwan iyo kuwii ka Horreeyeyba aanu marino, Booliskuna meel walba waa ay ka raadinayaan.”

Wasiir Warancadde ayaa falkaas dhacay ku tilmaamay mid Nacasnimo ah oo ka baxsan milgaha Toomoon ee Nolosha, waxana uu yidhi, “Waxan u arkaa arrin Nacasnimo ah oo Reer Magaal-nimada iyo dadnimada intaba ku xun, nabadgelyadana ku xun, waana waajibkayaga inaanu shaqo muhiim ah ka qabano.”

Wasiir warancadde ayaa dhinaca kale iska indho saabay arrimaha Nabadgelyodarrada ah ee Beryahan Somaliland ku soo badanaya, waxana uu fududaystay arrintan isagoo ku tilmaamay  Haddidaad, waxana uu yidhi,  “Dunida waxa ugu nabadgelyo Fiican Somaliland ilaa imika, waxa  hareereheenna ka dhacayana waad ogtihiin oo Dil iyo Tahdiidba waa jiraan, innagase alxamdulilaah Dil kama dhicine Tahdiid baa Ka dhacay, waxana aanu jecelahay Tahdiidkaas inaynu dabar jarno.”

Waxa uu wasiirku ku dooday inay Xukuumaddu ku foogan tahay sidii loo dabar jari lahaa tallaabooyinka Nabadgelyada lagu Hargdaamaynayo, “waa dhaqan xun oo Fulaynimo ah oo inagu cusub,laakiin sidii loo dabar jari lahaa ayaanu ku dedaalaynaa.” Ayuu yidhi wasiirku.

Cali Maxamed waran-cadde ayaa Noqonaya Masuulkii  ugu Horreeyey ee xukuumadda ka tirsan ee ka hadla dhacdada lagula kaca Mujaahid maxamed Kaahin oo taariikh xumo ku ah Xukuumadda, maadaama ay amniga masuul ka tahay iyadoo looga fadhiyo sidii ay sharciga degdeg ugu horkeeni lahayd cidda loo tiranayo inay soo abaabushay falkaas.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed