|

Dulmiga Xibiga UCID Xukuumadu ku Wado Xadba Miyaanu Lahayn???‏

waxaan is waydiiyay ucid ma musbaar baa? kulmiyena ma dubaa? sharciguna ma alwaaxii lagu musbaarayaa? su’aalahaasi jawaabtoodu runtii hore way inoo soo mareen oo waati ciro isagoo ucid ah xisbi samaystey isagoo ah xilibaan xisbiga ucid ugu soo baxay jagada xilibaanimo, iyadoo sharci aanay ahayn oo lahaa in uu iska casilo jagada gudoomiye baarlamaan sharciguna aanu siinayn inuu xil sii hayo maadaamu ka mid ahaa xilibaanadii ucid ugu soo baxay baarlamaanka somaliland.
waxaa dhacday in sharciga si qaldan loogu adeegsaday xisbiga ucid oo xaquuqdoodi la duudsiiyay maalin cad iyadoo dhamaan shacbiga somaliland u wada jeedaan iyagoo waliba aad u dareensan in sharcigii toos loo baal maray sababtuna ahayd siyaasad siilaanyo wato oo uu ku naafeynaayey ucid isna bartaa ugu hirgashay inuu yeesho xisbi kale oo ah hadhkii kulmiye, mudo yar kadibna  kamid noqday sadexdii xisbi qaran ee soo baxay.
ujeedada hadalkeygu waxa weeye sida aynu wada ogsoonahay maayarkii xisbiga ucid ahaa oo maanta xisbiga kulmiye ku biiray oo sharciyan qalad ah waayo xilibaankani waxuu ahaa xilibaan xisbiga ucid waxaanu u sharaxna xisbiga ucid iyadoo xisbiyadu u loolamaya kuraasta goolaha deegaamada somaliland xisbi walina calaf kiisa ka qaaday iyadoo doorashadaas xoogeeda dhaqaalahooda ay qabeen xisbiyadu .

maanta hadaba waxaa qalad ah in si yar uu xisbiga kulmiye ugu biiray, haba ku biiree jagada uu hayey waxaa leh xisbiga ucid oo u dhididay iyadoo intaa aay u dheertahay hawl iyo maalba.

hadii sharciga la raacayana xilibaankani waa ku waayaya xilibaanimadisa iyo jagada maayar nimoba waayo xilibaan waliba xisbi ayuu u sharaxna oo maay ahayn ciyaar yahano la soo iibsanaayo wakhti cod lagu kala baxay ujeedada doorashaduna ahayd sidii loo kala kuraas badan lahaa.
tuducda hadal kayga  waxaan kusoo uruurinaya kulmiye waa dubahaa hadba ucid kudhacaaya, sharciguna waa alwaxaa lagu musbaarayo! waayo bari markuu arintaa faashilka ah ka dacwoodo waxaa lagu odhanayaa dacwad maxkamada ka furo hadaad dood qabto, maxkamadana waaynu naqaana in aanay madax banaanayn oo mar walba xukuumada dhankeeda aay tahay muyadiniintaa ucidna bartaa lagu dabraayo.
xisbiga ucid mid baa u banaan hore  u seegtay oo ahayd in waxaa sharci daro ah ee dastuurka baal marsan in aay banaan bax weeyn ka sameeyaan.

taasi maay dhicin waatan maanta keentay in xilibaanadii ucid ee miisaanka lahaa in kulmiye “party” magacyada kaga bedesho.
waxaa kaloo iyana is waydiin mudan mayar kan berbera maxaa galay ee sida miisanka leh xukumadii siilaanyo isu ag dhoobtay?  jawaabtuna waxa weeye wax yaabo badan ayaa ka socon waayey markaa waxay noqotay in kor iyo hoosba mayarkan gacanta lagu dhigo si “corruption” u hir galo!
By: Aden Deeq

 

Comments are closed