Dufuufaha ku Xeeran Xil-ka-qaadistii Maxamed Cabdilaahi, Kulmadii uu shalay la Yeeshay Madaxweyne iyo Odhaahdii ka Xanaajisay Siilaanyo
Hargeysa:May,25,2014(SDN/QJ)-Xil-ka-qaadistii xalay Madaxweyne Siilaanyo ku Sameeyey Wasiirkiisii Ganasiga iyo Maal-gashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ah Arrin la filayey, isla-markaana Madaxtooyadu wakhti badan gelisay sidii loo dedejin lahaa.
Wasiir Maxamed Cabdilaah Cumar ayaa xil-kaqaadistiisu waxa ay salka ku Haysaa Taageerada aan Gabashada lahayn ee uu u hayo Guddoomiye Muuse Biixi, taas oo uu madaxtooyada dhexdeeda ka sheegi jirey.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa ahaa xubinta kaliya ee uu Muuse Biixi ku lahaa Golaha Wasiirrada dhexdeeda, waxaa ahaa Udub-dhexaad uu Muuse u cuskado arrimaha kaga xidhma Xukuumadda iyo waliba Ololeyaashiisa Hoose.
Wasiirka ayaa lagu daray Guddidii maamulaysay Shirweynihii dhamaaday, waxana si firfircoon uga soo qayb qaatay hawlihii gunaanadka shirka, waxase uu si muuqata uga soo horjeesay Tallaabadii Guddidaasi Maalintii jimcaha ku shaaciyey Liiska Golaha dhexe iyo Guddida Fulinta ee Xibsiga Kulmiye, taas oo aakhirkii Noqotay middii sahayatay.
Maxamed Cabdilaahi ayaa dagaal ka galay in aan Guddidu ku degdegin oo anay dhalin wax keeni kara Khilaaf, isla-markaana Xisbiga iyo xukuumadda isku dhufan kara.
Maxamed Cabdilaahi ayaa noqday Xubinta kaliya ee Guddidii qabanqaabada shirk aka mid ah ee diiday arrimaha Madaxtooyadu doonayso inay Muuse ku Inqilaafto, waxana uu si Toos ah ugu tegay Madaxweynaha Maalintii shalay isagoo u sheegay in dhacdooyinka Socda Haddii uu raalli ka yahay ay yihiin qaar Taariikh xumo keenaya oo Milgaha iyo Hannaanka Dawladnimo dhabar-jab ku ah.
Sida ay Ilo Xog-ogaal ahi u sheegeen Qurbejoog.com, waxa Madaxweynaha iyo Wasirkiisa Ganacsiga dhex maray Hadallo badan oo dhiif lahaa, waxana Markii dambe uu Maxamed Cabdilaahi si cad madaxweynaha dhegihiisa u maqashiiyey inaanu door bidaynin kasii mid ahaanshaha xukuumad Dagaal kula jirta Xisbigeedii.
Arrintaas ayaa Madaxweyne Siilaanyo Laf Dhuun gashay ku noqotay, kana xanaajisay, iyadoo ay dabka ku sii shideen Haweenka dhegaha Nugul ee Madaxtooyadu, kuwaas oo Madaxwenaha ku Dirqiyey inuu si aan ka fiirsasho lahayn xilka uga tiriyo Wasiirka Ganacsiga oo si muuqata Arrimaha Madaxtooyada uga soo horjeeda.
Warka aanu Hayno ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Siilaanyo markaas ka dib xasuustay Abaalkii badnaa ee Wasiir Maxamed Cabdilaahi u soo galay Xilligii Halganka Kuri-doonka uu ahaa, isla-markanaa in kasta oo uu cadhaysnaa Haddana uu ka cago jiiday inuu xil-ka-qaadis sameeyo.
Madaxweynaha ayaa Kooxda Ku xeeran kala kulmay Cadaadis, waxana ay xubno ka tirsan kooxdaaasi u sheegeen inuu si degdeg ah xilka uga qaado Wasiirka, taas oo uu markii dambe Go’aankeeda qaatay.
Dagaalka Maxamed Cabdilaahi Lagu qaaday, ayaa waxa Gadh-wadeen ka ah Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees, kaas oo geed dheer iyo mid gaaban-ba u fuulay sidii meesha looga saari lahaa, isagoo kaashanaya Haweenka saamaynta ku leh Go’aamada madaxtooyada laga soo saarayo.
Maxamed Cabdilaahi ayaa intii loo magacaabay Wasaarada Ganacsiga aan ku qanacsanayn ka sii mid ahaanshaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo oo uu wakhti badan ku soo lumiyey, waxana dib joog ka ahaa siyaasadaha ay Golaha wasiirrada Jaangoynayaan.
Xil-ka-qaadista Maxamed Cabdilaahi ayaa farriin toos ah oo cad u ah Hoggaanka sare ee Kulmiye, waxana loo caddeeyey dagaal badheedh ah oo madaxtooyadu ku hayso, isla-markaana waxa si muuqata loogu waaddixiyey inaan loo joojinayn si kasta oo ay sharciga ugu andacoodaan.
Kornaylada Xisbiga ayaa oo haatan siyaasad ahaan laga Guulaystay, ayaan la garanayn waxa ay yeeli doonaan, waxase laga Yaabaa in Ayaamaha soo socda uu Guddoomiye Muuse Biixi qaado Tallaabo cad uu madaxweyne Siilaanyo ugu sheegayo inaanay soconayn siyaasadda Gurracan ee kooxa Tirada yari madaxtooyada ka soo aloosayso.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com