|

Dufcadii 10aad ee Ka Qallin Jebisa Jaamacada Hargaysa iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka qayb galay {DAAWO SAWIRO}

Hargaysa 29.Sep 2013 (SDN)- Madaxweynaha jsl  Mudane Axmed  Maxamed Maxamuud  siilaanyo ayaa maanta ka qeyb galay xaflad loo sameeyay dufcadii tobnaad ee ka qalin jabisa jaamacadda hargaysa.

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda hargaysa ayaa waxa ka soo qeyb galay xubno ka mida golaha wasiirada ,xildhibaano  ka kala tirsan golyaasha qaranka waxgarad, waaldiinta ardayda jaamacadda  iyo marti sharaf aad u tiro badan

Dr Cabdi Xuseen Gaas Gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa ayaa hadal uu munaasabadaas ka jeediyey waxa uu si weyn u faahfaahiyey marxaladihii ay jaamacaddui soo martay guulihii ay gaadhay, caqabadihii ka hor yimid ee ay ka talaabsatay in mustaqbalka ay hiigsanayso. Isagoo tilmaamay in ardayda maanta qalin jebuinaysaa ay tiradoodu gaadhayso Todoba boqol, afar iyo afartan arday oo wax ku bartay sagaal kuliyadood oo jaamacaddu leedahay.

Marwo Zamzam Cabdi aadan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalkan JSL oo halkaa hadal ka jeedisay ayaa hambalyo u dirtay ardayda qalin jebisay waxana ay sheegtay in xukuumad ahaan ay garab taagan yihiin ardayda sanad walba waxbarashadooda ku dhamaysanaya jaamacadaha dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadu waxa ay halkaa ka ballanqaaday inay xukkuumaddu shaqaalaysiin doonto ardayda sanadkan ka qalinjebinaysa jaamacadaha dalka, halka sidoo kalena ay kula dardaarantay ardayda inay sii wadaan aqoontooda isla markaana ay awoodooda saaraan dhinaca farsamada gacanta

Dr sacad Cali Shire wasiirka wasaaradda qorshaynta Qaranka oo sidoo kale xubin ka ah boodhka sare ee jaamacadda Hargaysa in ardaydani ay yihiin mustaqbalkii burrito waxana uu u soo jeediyey ardayda inay ilaashadaan waddaniyadooda kana fogaadaan dhibaatooyinka ay leedahaya aafada tahriibtu.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hadal uu ka jeediyay xafladaasi waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray ardayda qalin-jabisay iyo maamulka jaamacadda Hargeysa ee juhdiga geliyay inay arday tiradaas leeg ay soo saaraan.
Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku dhiirigeliyay inay sii wataan waxbarashadooda, waxaanu tilmaamay inay dhalinyaradu tahay jiilka dalka xukumi doona mustaqbalka.

“Xafladan ay ku qalin-jabinayaan arday badan oo wax ka bartay Jaamacadda Hargeysa, dadkan wax bartay waa dad dalka iyo ummadda wax u bartay. Waa dad wax u bartay inay horumariyaan dalkooda, dadkooda, dhaqankooda iyo diintoodaba.ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu himiladoodaas la qabto. Ardaydan iyo kuwa soo socdaaba waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inay noqdaan kuwo dadka u kaca. Ardayda qalin-jabinaysaa waa muraayadda ay ka muuqanayso jiilka cusub ee dalka isla markaana mustaqbalka dalka laga qiyaasi karo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku ladhay“Waxaanu jecelahay haddii aanu dawladda nahay in ardaydaas wixii aanu la qaban karno la qabano. Dawladda oo qudha ma ahee shirkadaha gaarka ah ee dalku leeyahayba in ardaydaasi sidii loo shaqo gelin lahaa gacan laga geysto, wax alaalle wax aanu kala hadhaynaana ma jirto.”

Munaasabadaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaa kaloo hadalo ka jeediyey wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee JSL Sheekh Khaliil cabdilaahi Axmed, mas’uuliyiin ka kala socday jaamacado caalami ah, iyo dadweyne kale.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.comIMG_0012 IMG_0030 IMG_0042 IMG_0057 IMG_0062 IMG_0065 IMG_0089 IMG_0107 IMG_0109 IMG_0119 IMG_0124 IMG_0127 IMG_0131 IMG_0153 IMG_0158 IMG_0162 IMG_0165 IMG_0168 IMG_0172 IMG_0191 IMG_0223 IMG_0228 IMG_0229 IMG_0233 IMG_0245 IMG_0249 IMG_0252 IMG_0257 IMG_0265 IMG_0271 IMG_0279 IMG_0286 IMG_0290 IMG_0374 IMG_0375

 

Comments are closed