Dr Gaboose oo ka Shalaayay U Ololeyntii Madaxweyne Axmed Siilaanyo
Hargeysa April 18,2012(SDN)-Guddomiyaha Urur Siyaasadeedka UMMAD Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa si weyn u dhaliilay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo falkii xilka looga qaaday ku-xigeenkii Xisbiga Kulmiye dhawaan.
Dr Gaboose ayaa sheegay in uu in muddo ah haatan Siyaasadda ku jiray,khaladka ugu weyn ee uu ilaa haatan galayna waxa uu ku tilmaamay in ay aheyd u ololeynta Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dr Gaboose ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku sheegay ruux aan dul qaad u leheyn eedaha isla markaana sideed sanadood xukuumadii Riyaale eedo u jeedin jiray,xabsida waxa haatan ku jira ayuu yidhi dad aan wax kale ku kasban xadhiga ee madaxweynaha uun dhaliilo u jeediyay.
Dr Gaboose oo horeĀ u ahaa Wasiirkii arrimaha Guddaha ee xukuumada Axmed Siilaanyo ayaa xilkaa iska casilay ka dib wada shaqeyn xumo dhexmartay ku xeerenayaasha Madaxweynaha iyo Dr Gaboose.
Dr Gaboose ayaa mar uu u waramayay HCTV ayaa waxa uu sheegay in Habkii loola dhaqmay Cabdiraxmaan Cabdiqadir ay aheyd mid gef ku ah Somaliland iyo shuruucda axsaabta.
SDN-Hargeysa