|

Dr Baadiyow Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Wasiirradii Ka Codeeyey Xukuumaddii Saacid ee ay Ka Midka Ahaayeen iyo Arrinta Guddoomiye Tarsan ee Haatan Taagan

Muqdisho:19-Jan-2014(SDN)-Waxa Markii ugu horraysay si Toos ah  uga Hadlay Xaaladda siyaasadeed ee ay keentay Xil-ka-qaadistii Ra’isal wasaare Saacid Siyaasiga Soomaaliyeed ee Cabdiraxmaan Macallin Baadiyow oo marar Badan isku soo taagay Madaxweynenimada Somaliya.

baadiiiDr Badiyow, ayaa sidoo kale ka Hadlay Wasiirradii u ololeeyey inay Ridaan Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen  oo markaas loo ballan qaaday midda dambe iyo Arrinta haatan muqdisho ka taagan ee Guddoomiye Tarsan la Doonayo in Xilka Lagaga Qaado.

Ugu Horrayn waxa uu Dr Badiyow ka Hadlay Arrinta Guddoomiye Tarsan ee Haatan Muqdisho ka Taagan, waxana uu yidhi, “Guddoomiye Tarsan waa laga qaadi karaa xilka, laakiin ilama haboona sida looga qaaday. waa farsamo xumo iyo wax aan aheyn dhaqan dawalo. Waxey la mid tahay sida rai’isulwasaare Saciid looga qaaday, loogu diiday inuu ka hor hadlo baarlamaanka, loona dhigay xaflad markii la riday ka dib.”

Dr Baadiyow waxa kale oo uu taabtay Wadhidii uu Ra’isal wasaaraha cusubi baday Kooxdii wasiirrada ahaa ee xukuumadii hore ee ay ka tirsanaayeen ridday, isla-markaana filayey in tan lagu soo daro, waxana uu yidhi,  “Markii lagu dhawaaqay xukuumadda cusub, waa oynayay ragg iyo dumar badan oo ka tirsanaa xukuumadii hore oo uololayay in la rido xukuumadoodi oo loo balanqaaday in lagu soo darayo xukuumada cusub. In ruux xil laga qaado iyo in mid kale xil loo dhiibo waa hawl dawladeed, laakiin sharfta, karaamada iyo isqadarinta waa lama taabtaan.”

Dr Baadiyow oo ah Siyaasi af gaaban oo aan inta badan ka Hadlin siyaasadda guurguurka badan ee somaliya ku jirto, ayaa Haatan Hadalkiisani u soo beegmayaa xilli xukuumadda Ra’isal wasaare Saacid waajahayso caqabado badan oo la xidhiidha xubno ka Tirsan oo is casilay iyo guux ka imanaya dhinaca Beelaha qaarkood.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed