|

“Dowladdu mar kasta diyaar ayey u tahay wada-hadal,sidii dadka dariska ah nabad galyo ay ugu noolan lahaayeen” Wasiirka Duulista Punt land DAAWO

Garowe 27.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in hab wada-hadal ah lagu dhammeeyo xiisada garoomada la xiriirta ee ka jirta magaalada Galkacayo, taas oo u dhexaysa Galmudug iyo Puntland.

 

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Siciid Xaaji Xasan oo ka mid ah wefdi wasiirro iyo saraakiil ah oo Puntland u dirtay Galkacayo, ayaa saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,waxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in wax walba wada-hadal lagu dhameeyo.

 

Waxuu sheegay wasiirku in haatan xaaladu degan tahay. shaqada garoonkana ay ku soconayso si wanagsan.

 

“Waxan jogna garoonka Gaalkacyo sida ad u jeediin,dadka nabadda jacel waxan u sheegana inuu garoonku nabad yahay,ammaankuna uu sugan-yahay,diyaaradaha oo dhana way ka soo dageen,”ayuu yiri wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Xasan Siciid Xaaji Xasan.

 

Wasiirka ayaa ku cel celiyey in amniga garoonka diyaaradaha ay sugayaan ciidamada,waxuuna sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ay dadku buun buuninayan.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed