|

Dowladda Ugandaoo 10-qof oo Argagixso ah ka baadi goobaya Magaalooyinka dalkaasi

Kampala Jan 11 2013 (SDN) — DowladaUgandaayaa sheegtay inay baadi goob ugu jirto 10 ruux oo ay sheegeen inay yihiin argagixiso ,kuwaasi oo shan ka mid ah ay sheegtay inay aaminsan yihiin todobaadkan inay si qarsoodi ah ku galeen dalkaasiUganda,sida ay sheegeen saraakiil booliska dalkaasi ka tirsan.

Ku xigeenka afhayeenka booliska dalkaasi Vincent Sekate ayaa sheegay inay dadka ay doonayaan ay kala yihiin Ali Salax Adan, Nam Amur, Abdullah Ahmed, Abderaouf iyo Mohaned Nor Ali, oo ay ku sheegeen inay dagaalyahano ajaaniib ah oo xiriir la leh ururka Alshabaab.

Dowlada Uganda ayaa shantaan ruux ku eedeysay inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala sanadkii 2010 kaasi oo ka dhacay goob ciyaaro lagu daawanayhay oo ay ku dhinteen 72 ruux.

“Kuwaasi waa dagaalyahano ajaaniib ah oo caawinayay ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya,waxayna ka dambeeyeen qaraxyadiiKampalaka dhacay”ayuu yiri ku xigeenka afhayeenka ciidamada booliska dalkaasi Sekate.

Wuxuu sheegay dadkaasi inay baadi goob ugu jiraan,islamarkaana ay kaga shakisan yihiin inay ku dhuumaaleysananaan meel ka mid ah dalkaasiUganda,sida uu hadalka u dhigay.

Sekate,ku xigeenka afhayeenka booliska dalkaasi ayaa ka codsaday dhaman shacabka ku dhaqan dalkaasiUgandainay kusoo wargeliyaan xog walbaa oo dadkaasi ku aada,iyo waxii ay ka shakiyaan bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale booliska dalkaasi ayaa waxay baadi goob ugu jiraan shan ruux oo kale ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Alshabaab kuwaasi oo kala ah Ahmed Khaled Andreas, Martin Muller and Emrah Erdogan Alias Imraan AL-Kurdy alias Salahaddin AL-Kurdy.

Ugu dambeyntii Sekate ayaa sheegay in ciidamada amaanka ee dalkaasi heegan buuxa ay ku jiraan islamarkaana adkeyn doonaan amaanka dalka oo dhan sida uu sheegay,isagoo sheegay in Alshabaab ay u bartilmaameyd sanayaan dowladaha Kenya iyo Uganda ciidamadooda oo ku sugan dalka Soomaaliya.

SDN-Kampala

Comments are closed