|

Dowladda Uganda oo sheegtay in ay sii wadeyso taageerida dowladda Soomaaliya

Kampala April 25 2013 (SDN)– Sida uu qoray wageyska New Vission ee kasoo baxa dalka Uganda James Mugume Xoghayaha joogtada wasaarada arimahada dibada ee dalka Uganda ayaa sheegay in dalal ay kamid tahay Soomaaliya ay usoo direyso ergooyin hoostaga wasaarada arimaha dibada.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya , magaalada Rio De jeneiro ee caasimada dalka Brazil magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia iyo magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayuu sheegay inay yihiin magaalooyin shan oo ay ka furanayaan safaarado ayna u dirayaan ergooyin wasaarada hoostaga.James Mugume Xoghayaha joogtada wasaarada arimaha dibada ee dalka Uganda ayaa sheegay in furashada safaarada Muqdisho ay tahay mid muujinaysa sawirka ama doorka dowlada Uganda ay ku leedahay Soomaaliya.“Waxaan door muhiim ah ka ciyaarnay xalinta Soomaaliya, waxaan caawinaynaa shacabka Soomaaliya si wadajir ah waxaana sidoo kale ka caawin doonaa amaanka,arinta qunsuliyadana waa guulaha amaanka”ayuu yiri Xoghaya joogtada ee wasaarada arimaha dibada Uganda.

Dhaqaalaha ku baxaya furashada safaarada Uganda ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay 5.8Bilyan sida uu sheegay Mr Mugume, isaga oo dhanka kale sheegay inay sii wadi doonaan taageeraada ay siinayaan Soomaaliya.

Wuxuu kasoo muuqday Mugume gudiga difaaca baarlamaanka dalka Uganda isaga oo uu la joogay wasiirka arimaha dibada dalkaasi, waxaana uu sheegay in ujeedooyinka ay u furayaan safaaradahaasi ay yihiin sidii loo kordhin lahaa calaaqaadka kala dhaxeeyay dalalka aan soo sheegnay.

Dowlada Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo ku howlgala magaca AMISOM, waxaana lagu tirayaa dowlada ugu ciidamo badan ee AMISOM kuna sugan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaar.

Comments are closed