|

Dowladda Syrian oo sheegtay in dagaalyano badan ay ka dishay Mucaaradka dalkaasi

Quseyr May 20 2013 (SDN)– Sida uu kuwaramayo Taleefashinka Qaranka dalka Syria Ciidamada Madaxweyne Bishar Al Assad ayaa dagaallo ay ku qaadeen Magaalada Quseyr waxa ay ku dileen in kabadan 70-xubnood oo katirsanaa kooxaha Boko Xaram.

Saraakii ka tirsan dowladd ayaa sheegay in Mucaaradka ay ka saareen Xarumo muhiim ah oo kuyaalla bartamaha Magaalada, waxaana ay beeniyeen warar sheegaya in dad rayid ah ay ku dileen magaalada dhexdeeda.

Kooxaha Mucaaradka Syria ayaa sheegay in dagaalada kadhacay Magaalada Quseyr ay ka qeybqaadanayaa dagaalyahano ka tirsan kooxda Hezbolah ee taageera dowladda Madaxweyne Assad.

Magaalada Quseyr ayaa kutaalla Meel u dhaw xadka kala qeybiya dalka Syria iyo Libnaan oo ay ka dhisantahay kooxda Xisbulah ee dalkaasi.

SDN-Qusery

Comments are closed