|

Dowladda Sudan oo balan qaaday in ay siiwadeyso Taageerada ay siiso Soomaaliya

Khartoum May 22 2013 (SDN)— Sida laga soo xigtay Warbaahinta Afka dowladda Soomaaliya ku hadashay Madaxweynaha dowladda Sudan ayaa sheegay in uu siiwadi doono taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Cumar Xasan Al Bashir ayaa hadalka ka sheegay kulan uu Magaalada caasimada ah ee Khartoum uu kula qaatay Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo booqasho ku joogay halkaasi.

Wasiirka oo la hadlay warbahinta afka dowladda Soomaaliya ku hadasha ayaa sheegay in waqti dheer ay sheekeysteen Madaxweynaha Sudan isagoo gaarsiiyay dhanbaal uu kawaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxaa ka dhexeeyay xiriir soo jireen ah iyadoo dowladda Sudan ay kamid tahay wadamada Afrikanka ah ee deeqaha siiya Soomaaliya tan iyo burburkii dalka.

SDN-Khartoum 

Comments are closed