|

Dowladda Somalia oo ku baaqday in la fasaxo duullimaadyada garoomada Gaalkacyo

Muqdisho 27.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo fasaxo dhammaan adeegyada duullimaadyada diyaaradaha ee labada garoon ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo.

Cabdiweli-Sheekh-III-300x237War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay inay dowladdu sameysay guddi heer wasiirro ah oo loo xil-saaray xallinta khilaafka u dhaxeeya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Dowladda ayaa ugu baaqday maamullada Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed.

Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dhinac inay billaabaan wada-hadal lagu dhammeynayo khilaafka garoomada. Dowladdu waxay ballanqaadday inay fududeyn doonto qabsoomidda wada-hadallada iyo dhammeystirka khilaafka labada dhinac.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay u dirtay labada maamul guddi khubarro ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay inuu madaxda labada si qoto dheer ugala hadlay arrimaha khilaafka, wuxuuna ka dalbaday in si nabad ah lagu soo afjaro xiisadda.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed