Dowladda Oo Ku Dhawaaqday Shirweyne Garsoorka Dalka Looga Hadlaayo (Warsaxaafadeed)
Mogadishu, Somalia, Maarso,30, 2013) Dawlada Federaalka Somaaliya waxa ay qaban qaabinaysaa Shirweynaha Qaran ee kawada tashiga dib u habeynta garsoorka oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudene Xasan Sheekh Maxamudd 11kii bishii Febraayo ee sanadkan 2013.
Shirkan ayaa waxa uu qabsoomayaa 1da April ilaa 5ta April ee isla sanadkan 2013, waxa uuna ka dhacayaa Magaalada Muqdisho haddii Alla idmo.
Arrimaha looga hadlayo shirka waxaa ka mid ah:
• Faaqidaada Caqabadaha hortaagan Garsoorka;
• Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hay’adaha Garsoorka, soo celinta kala denbeynta iyo u gaansiga sharciga;
• Talo ka bixin Qorshe/Siyaasad Qaran oo hagta Hay’adaha Cadaalada;
• Xiriirka ka dhaxeeya Hay’adaha Garsoorka iyo Dastuurka Cusub iwm.
Waxa shirka ka soo qeyb gali doona kana hadli doona sharci yaqaano iyo aqoonyahano dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka kala yimid. Waxa sidoo kale ka soo qeyb gali doona wakiilo ka socda, Garsoorka, Wasaarada Cadaalada, Xubnaha baarlamaanka, Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Maxkamadda ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliyeed, Booliska qaranka Soomaaliyeed, Hay,ada Nabad-sugidda, Ciidanka Usluubta ,Ururka qareenada iyo sharci yaqaanada, Jaamacadaha iyo goobaha cilmi barista, Culumada, U hoggaamiyayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka, hoggamiyayaasha heyadaha xuquuqul-Insaanka u dooda, ururada haweenka, Khubaro caalami ah iyo Muwaadiniinta.
Waxa la filayaa in shirwaynahan ay ka soo baxaan talooyin dhaxal gal ah oo dib loogu habaynayo hay’adaha ku shuqul leh garsoorka iyo hey’adaha cadaalada si loo gaadho cadaalad iyo kala danbeyn dhab ah.
– Dhamaad –