|

Dowladda oo August 27 u aqoonsatay Maalinta Qaranka ee Xuquuqda Bini’aadamka {DHAGAYSO}

Muqdisho 27.Aug 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in August 27 loo aqoonsaday Maalinta Qaranka ee Xuquuqda Bini’aadamka Soomaaliya.

ShirdoonII-300x195Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon wuxuu sheegay in dowladda ay guud ahaan Soomaaliya ka dhaqan-gelin doonto dhawrista iyo horumarinta xuquuqda bini’aadamka.

Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay billowday hannaankan, aysanna dib u noqon doonin.

Dowladdiisa ayuu sheegay inay ka go’an tahay hirgelinta waajibaadka dhawrista xuquuqda bini’aadamka ee muwaddiniinta Soomaaliya.

Raysul wasaare Shirdoon wuxuu sheegay in dowladda federalka ay durbaba qaadday tallaabooyin lagu horumariyo xuquuqaha muwaaddiniinta sida kordhinta ka qeyb-galinta dumarka iyo dadka laga tirada badan siyaasadda dalka.

Halkan Guji oo Dhagayso Hadalka Ra’isal wasaaraha

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Saacid27.mp3″]

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed