|

Dowladda Nigeria oo sheegtay in ay dishay hogaamiyayaal ka tirsan Boko Haram

Abuja 24.Aug 2016 (SDN/QJ):- Milatariga Nigeria ayaa sheegay in dhowr qof oo ka mid ah madaxda Boko Xaraam lagu dilay weerar diyaaradeed waqooyiga waddanka.

 

Afhayeenka ciidamada ayaa sheegay, in hogaamiya kooxda, Abubakar Shekau, ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay weerarka kaymaha Sambisa ee Jimcihii.

 

Ciidamada Nigeria ayaa horaan u sheegay dhimashada hogaamiyaha Boko Xaraam dhowr jeer.

 

Warka ka soo baxay milatariga Nigeria ee weerarka, ayaa lagu tilmaamay mid aan horay loo arkin, wuxuuna ku soo aaday booqashada xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry uu ku joogo Nigeria.

Comments are closed